Reer Somaliland oo aan ka dhex muuqan olole rayi ururin ah oo ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriisku taageero ugu raadinayso shirka Somalida

11
706

FCOLondon(Geeska)- Sida aynu la wada soconno wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska ayaa ku jirta u diyaar garowga shir uu raysalwasaaraha Ingiriisku bisha dambe u qaban doono, waxa loogu yeedhay kooxaha  Soomaaliya, qorshahaa u diyaar garow waxa ay wasaaraddu ku dartay olole rayi ururin ah oo ay doonayso in ay taageero ugu raadiso shirkaa ay qorshaysay in ay Soomaalida isugu keento colaadahana ku soo af jarto.

Matt Baugh oo diblumaasiga ugu sarreeya ee safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa barta internet ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ka furay bog ay dadka Soomaalida ah iyo cid kasta oo danaynaysaa ku soo gudbiso wixii talo iyo tusaale ay shirkaa ku darsanayaan iyo weliba aragtidooda ku aaddan. Boggan oo lagu geli karo http://blogs.fco.gov.uk/mattbaugh/2012/01/17/london-conference-on-somalia-building-momentum, waxaa cinwaan looga dhigay: Taageero u dhisidda shirka Soomaaliya ee London.

Waxaanu Matt bough ku furay hadal dheer oo macnihiisu yahay sidan, “Illaa hadda waxa aanu haynaa jawaab togan oo xad dhaaf ah oo ku aaddan shirka uu gogoshiisa bixiyey raysalwasaaraha Ingiriiska ee bisha dambe (February 2011) Soomaalida loogu qabanayo magaalada London. Kadib labaatan sano oo dib u dhac ah, waxaa cad oo ay dad badani soo dhoweeyeen in Soomaaliya ay u baahan tahay dadaal lagu qaadayo tallaabo is-beddel keenta oo ka timaadda bulshada caalamka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaalida.

Shirka London waxaa la isugu keenayaa ergo heer sare ah oo ka kala socota 40 dal, ururro kala aragti duwan iyo maamullada Soomaaliya ka jira, si ay isugu waafaqaan, bal sida ay la tahay in bulshada caalamku kor ugu qaadi karto dadaalka ay ku doonayso in ay ku caawiso xal u helidda sababaha dhabta ah iyo saamaynta ay leedahay dhibaatada Soomaaliya.

Labaatan Sano oo uu dagaal sokeeye ka socday Somalia waxa ay ku keentay saamayn in hoos loo dayo mudan. Abaarihii ka dhacay geeska Afrika waxa ay saamaynta ugu xun ku lahaayeen Soomaaliya, dawladda Ingiriiskuna waxa ay ku qiyaasaysaa dadka macaluusha ugu dhintay Soomaaliya lixdii bilood ee ka dambeeyey markii lagu dhawaaqay in tiradoodu ay u dhaxayso 50 kun illaa 100 kun oo ruux, oo kala badh ay yihiin carruur. Dadka Soomaaliya ee khatarta ku jira waxa ay Qaramada midoobey ku qiyaastay 250 kun oo ruux, sidoo kala Laba Milyan iyo badh Soomaali ah ayaa ku baro kacay dalka gudihiisa iyo gobolka, haddii aanay intaas aynu soo sheegnay ku filnayn in aynu tallaabo qaadno, waxaa iyaduna xusid mudan in jiil dhan oo carruur ah (Mustaqbalka Soomaaliya) ay ku garaadsadeen qori, halkii laga rabay in ay ku ababaan buugta iskuulka, Soomaaliya waa dalka dunida ugu xun xuquuqda haweenka. Iyada oo ay jiraan Soomaali badan oo dhaqaale ahaan horumartay, haddana maalgashi ku habboon lama gelin mustaqbalka Soomaaliya.

Kulamo badan oo aan la yeeshay Soomaalida ayaan ku ogaaday in ay dadka Soomaaliya doonayaan is-beddel, sidaa awgeed shirka London waxa uu qorsheeyey in uu ina hor keeno fursadaha ugu badan ee aynu arrintaa wax kaga qaban karon.

– Fursad aynu ku taageerno hirgelinta nidaam siyaasi ah oo dadka wada metalaya in uu dhasho, marka uu dhammaado xilliga dawladda ku meel gaadhka ahi bisha August 2012-ka.

– Fursad aynu ku caawinno sidii ay dadku ugu noqon lahaayeen Muqdisho noloshooda caasimaddana dib ugu dhisan laahaayeen.

– Fursad tallaabooyin inta hadda ka adag lagaga hortago Alshabaab iyo budhcad badeedka.

– Fursad aynu ku xoojinayno nabadda ka jirta deegaanno ka mid ah Soomaaliya, sida Somaliland, Puntland iyo meelo Koonfurta ka mid ah.

Si aanu u dhabayno fursadahan, waxa aanu u baahannay kaalin inta hadda ka mug weyn oo laga helo bulshada caalamka iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, iyo hannaan iskaashi oo xoogga saara hawlqabad, dalka Ingiriiskuna waxa uu doonayaa in uu dhiirrigeliyo hannaankaa cusub.

Masuuliyiinta joogta London iyo ergada diblumaasiyadda ee Ingiriisku ku leeyahay dunidu waxa ay iska kaashanayaan in ay si ballaadhan ula tashadaan dadka aanu is-kaashiga leenahay ee Soomaaliyeed iyo dunida kalaba. Talo urursigaasi waxa uu soconayaa toddobaadyada soo socda. Sida aanu bilowgiiba ka dareennay doodahanna waxaa jira is-af-garad iyo aqbalaad isa soo taraya oo ku aaddan tallaabooyin taxane ah oo loo qaado taageerada Soomaaliya, waxaa ka mid ah in dhaqaale sugan loo sameeyo ciidamada AMISOM, in la taageero dhinacyada amniga iyo cadaaladda ee Soomaaliya, In la taageero waxa beddeli doona hay’adaha ku meel gaadhka ah ee hadda jira oo xilligooodu ku eeg yahay august 2012-ka, in gobollada Soomaaliya la siiyo taageero, in dib loo cusboonaysiiyo oofinta wacadka ah in wada jir la isaga kaashado wax ka qabashada khatarta argagaxiso ee Soomaaliya ka soo muuqata, in la jebiyo ganacsiga budhcadnimo, in wax laga qabto masiibooyinka bani’aadamnimo ee Soomaaliya iyo in la horumariyo kaalinta ay bulshada caalamku ku leedahay arrimaha Soomaaliya.

Waxa aanu ognahay xaqiiqada ah in arrimahani ay yihiin kuwo cakiran oo aan muddo yar lagu xallin karin, waxa aanu doonaynaa in la dhiso lana taageero hawlaha qaramada midoobey, midowga Afrika iyo hay’adaha maxalliga ahi ka wadaan iyo kaalinta mugga leh ee bulshada rayidka ahi ka qaadan karto, waxa aynu u baahan doonnaa in la oofiyo wacadka siyaasiga ah lana qaado tallaabooyin adag, oo dadka laga sugayo ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, laakiin waxa London la isku af gartaa waxa uu noqon doonaa tallaabo muhiim ah oo la qaaday.

Ugu dambayntii Matt waxa uu codsanayaa in uu ogaado aragtida dadka diiddan iyo kuwa taageersan ajandayaasha shirkan, isaga oo ballan qaaday in qof kasta aragtidiisa la soo dhoweyn doono.

Haddaba waxaa nasiib darro ah in dadka boggan aragtidooda ka dhiibtay oo markii ugu dambaysay ee uu wargeyska Geeska Afrika eegay xalay marayey 200 ay u badan yihiin dad taageersan qadiyadda shirkan iyo  dib isugu keenidda wixii la isku odhan jiray Soomaaliya, isla markaana aanay aad uga dhex muuqan aragtida dadka reer Somaliland. Wargeysku isaga oo ammaan u jeedinaya dadweyne badan oo si geesinimo leh uga hadlay qadiyadda Somaliland iyo aragtidooda ku aaddan shirkan, waxa uu muwaadiniinta reer Somaliland ee awooda in ay wax ku qoraan luuqadda Ingiriisida ku guubaabinayaa in ay halgan u galaan sidii aragtida qarannimada Somaliland uga dhex muuqan lahayd aragtiyaha boggan lagu qorayo oo uu Ingiriisku si weyn u qiimayn doono si loo ogaado mawqifka cad ee shacabka Somaliland ka taagan yihiin qarannimadooda.

Comments are closed.