Madaxweyne Silanyo Oo Ka Qayb Galaya Shirka Ingiriiska

1
724

 Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ka noqday mawqif ay xukuumadiisu hore uga istaagtay ka qayb galka shirka ay dawladda Ingiriisku qabanayso bisha dambe ee lagaga hadlayo arrimaha Somalida.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay madaxtooyada Somaliland ka soo saartay mawqifka cusub ee la sheegay inuu Madaxweyne Silaanyo qaatay, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay inuu Madaxweyne Siilaanyo aqbalay soo jeedin uu shalay u soo bandhigay safiir ku xigeenka Ingiriiska ee safaaradda Itoobiya Mr. Chris Allan oo salka ku haysay inay Somaliland dani ugu jirto inay shirkaas ka qay gasho islamarkaana ay mawqifkeeda ka cadayso, waxaana la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u aqbalay inuu isagoo hoggaaminaya wefti ka tirsan dawladda Somaliland shirkaas ka qayb galo kaas oo bisha Feberwari ee dambe lagu qaban doono magaalada London. Waxaana shirkaas ka soo qayb galaya hoggaamiyayaal isugu jira reer Yurub iyo Afrikaan.

Dhinaca kale safiir ku xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa, Mr. Chris, oo ka dib kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo saxaafadda la hadlay ayaa hogo tusaaleeyay inay Somaliland sh irkaas ka qayb geli doonto, waaxanu sheegay inuu shirkaasi ahmiyad u leeyahay Somaliland. “Waxaanan si shakhsi ah u danaynaynaa in Madaxweynaha Somaliland uu Hoggaamiyo ergada Somaliland ee ka qeyb galaysa shirkan.Raysal wasaarahayaga ayaa si toos ah ugu marti qaadi doona shirkan Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan qoraal u soo qori doona.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay  “Xoghayahaga Arrimaha dibaduna waxa laga yaabaa inuu Telefoon u soo diro si uu tafaasiil uga siiyo waxaanu ka rajaynayno inay shirka London ka soo baxaan,”ayuu yidhi Chris Allan, waxaanu intaasi ku daray “Dariiqada ugu wanaagsan ee ay Somaliland ku gaadhi karto himiladeeda waxay tahay inay la kulanto beesha caalamka waxay noqon lahayd Madaxweyne Siilaanyo inuu gudbiyo qadiyadiisa shirkan oo ah mid aad iyo aad u sareeya.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa hore u cadeeyay inaanay dawladda Somaliland ka qayb geli doonin shirkaas oo uu sheegay inuu yahay mid ku kooban kooxaha ku hirdamaya talada dalka Somaliya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si cad ugu sheegay khudbadiisii u dambaysay ee uu u jeediyay labada gole Baarlamaan, inay xukuumadiisu tagi doonto meel kasta oo uu u arko inay danta Somaliland ku jirto.

Comments are closed.