Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Magaalada Laascaanood

0
688

Laascaanood (Geeska) – Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa Maanta deggan, ka dib dagaal culus oo shalay labadii gelinka ka dhacay Aagagga Magaaladaasi.

Wararkii u dambeeyay ee Maanta halkaa laga helay, ayaa sheegay in Huwantu la tacaalayaan Daawaynta dhaawacyadii tirada badnaa ee Dagaalkii Shalay iyo aaska kuwii kaga dhintay dagaalladii ay la galeen Ciidamada Qaranka Somaliland.

Laakiin, Warar hoose oo la helay ayaa sheegaya inay haddana abaabulayaan weerarro kale oo ay ku qaadaan Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka Laascaanood, iyagoo damacsan inay khasaare gaadhsiiyaan, iyagoo ka xun khasaarihii laxaadka lahaa ee ay shalay kala kulmeen dagaalkii ay ku qaadeen Ciidamada Qaranka oo mar walba heegan ku jira.

Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo xalay xilli dambe war ka soo saartay weerarradii Huwantu ku qaadday Ciidamada Qaranka, ayaa sheegtay inay si geesinimo leh Ciidamada Qaranku jebiyeen Ciidamada Puntland iyo kooxo Argagixisada ah, tuseena awoodda ay u leeyihiin inay difaacaan Xuduudka Qaranka.

Dhanka kale, Warar ka imanaya Magaalada Laascaanood, ayaa sheegaya inay halkaa ka baxeen Cabdiraxmaan Firdhiye oo ku Magacaaban hoggaamiyaha Huwanta iyo qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka colaadda halkaa ka wada, iyagoo ka cabsi qaba inay gacanta u galaan Ciidamada Qaranka oo ku jira qaybo ka mid ah Magaalada Laascaanood.

 

Geeska.net/Hargeisa Office