KULMIYE Oo Doortay Hoggaan Cusub Iyo Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa

0
643

Hargeysa (Geeska)- Shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa maanta lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxaana shirka lagu doortay hoggaanka sare iyo murashaxiinta madaxtooyada.

Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Axaddii shalay oo ku beeganayd 20-ka August, 2023 ka furmay Burco, waxa si rasmi xilkii guddoomiyenimada ee xisbiga uga dagay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo muddo toban sanno ka badan soo hoggaaminayey Kulmiye, waxaana xilka Guddoomiyaha Xisbiga loo doortay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo hore uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha cusub ee xisbiga loo doortay Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa xubnaha golaha dhexe ee xisbia KULMIYE ugaga mahadnaqay kalsoonida ay codkooda ku siiyeen, waxaanu sheegay in xisbiga Kulmye yahay xisbi Dimuqraaddi ah oo kaalin mug leh ka qaatay qarannimadam muddadii uu talada hayeyna horumar ballaadhan dalka ka hirgeliyey.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caddeeyey muhiimadda ay leedahay in hoggaaminta xisbiga dhiig cusub lagu shubo, isaga oo taageerayaasha xisbiga iyo xubnaha kale ee hoggaanka ahba uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu hoggaaminayey xisbiga guunka ah ee KULMIYE.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay u sharraxnaayeen Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Aadan Ilkacase, ayaa lagu doortay cod gacan-taag ah oo ay xubnaha Golaha Dhexe xisbigu ugu kala codeeyeen labada murashax. Waxaana booskaas ku guulaystay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo helay 168 cod halka Maxamed Aadan Ilkacase ka helay 55 cod, waxaana ka aamusay 27 Qof.

Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Cilmi Aadan oo Hadallo ka jeediyey Shirka, ayaa u mahad-naqay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga waxana ay caddeeyeen in tartar xor ahi uu goobta ka dhacay.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale loo doortay murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga halka murashaxa madaxweyne ku-xigeenka loo doortay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad oo ku fadhiyo Axmed Cabdi Dheere, guddoomiye ku-xigeenka 3aad oo uu ku fadhiyo Xuseen Aadan Cadde iyo Guddoomiye ku-xigeenka 4aad oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga, ayaanay cidi ku tartamin.

Waxa Xusid mudan in Shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE wax lagaga beddelay qodobka Xeerka Xisbiga ee ku saabsan hannaanka doorashada XOGHAYAHA guud oo markii hore ku iman jiray magacaabis, waxaana laga dhigay doorasho toos ah.

Gunaanadkii shirka waxa shirka lagu ansixiyey Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo tiradoodu dhan tahay 361 xubnood.

 

Geeska.net/Hargeisa Office