Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Liibiya Iyo Col. Qadaafi Oo Telefon Diray

0
282

Mucaaradku waxay gacanta ku hayaan inta badan ee magaalada, waxaanay shalay gelinkii dambe si sibiq ah u galeen gudaha qasriga uu Qadaafi leeyahay ee Baabal Casiisiya.

Kooxa Mucaaradkja ayaa jihooyin kala geddisan ka galay qasriga  Baab al-Caziiza ee xarunta Qadaafi waxaana la arkaayey qiiq  iyo ololka ka baxaaya qasrigaas taas oo ay sababeen dagaalkii iyo duqeyntii halkaas ka dhacdey.

Madaxda mucaaradka hubaysani waxay sheegeen inay gacanta ku hayaan inta badan ee magaalada, laakiin waxa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka dhacaysa meelo magaalada ka tirsan, taageerayaasha mucaaradka iyo kuwa hubaysan laftooduna waxay bilaabeen ciyaar iyo dabaal deg markii ay galeen gudaha qasriga Baabal Casiisiya, laakiin waxay qasrigii ka waayeen Col. Qadaafi oo aan la ogayn meel uu ku suganyahay.

Madaxweynaha xidhiidhka  caalamiga ah ee shaxda ama ciyaarta Jesta loo yaqaan Mr.  Kirsan Ilyumzhinov, ayaa sheegay in Mucamaral Qadaafi uu shalay kula hadlay khadka telefoonka guur-guura isagoo jooga gudaha dalka Liibiya. Ninkan oo ay saaxiibyihin Col. Qadaafi islamarkaana ay ciyaartan wada ciyaareen badhtamihii bishii June oo uu booqday Liibiya oo ahayd markii Qadaafi oo la arko dad ugu dambaysay, ayaa sheegay in wiilka curad ee Qadaafi uu telefoonkiisa garaacay markii uu qabtayna ugu dhiibay aabihii Qadaafi. “Luuqada Carabiga ayuu Qadaafi ku yidhi ‘waxaan joogaa dalkayga Liibiya.’ Wuxuu ii sheegay inaanu doonayn inuu Liibiya ka baxo balse uu doonayo inuu difaaco ilaa halka u dambaysa, waxaanu u mahadceliyay cid kasta oo dunida joogta oo taageersan dagaalka uu kula jiro mucaaradkiisa iyo NATO.” Sidaas ayuu yidhi Mr. Kirsan oo u waramay wakaaladda Wararka ee AP.

Wuxuu ninkani sheegay in telefoonkiisa la soo garaacay isagoo shalay lixdii galabnimo ee saacadda Moosko dhex fadhiyay gaadhigiisa, markii uu qabtayna waxa la hadlay Maxamed Qadaafi oo u sheegay inuu aabihii la joogo oo doonaya inuu la hadlo, kaas oo u turjumayay hadalada ay is dhaafsadaan. Waxaanu sheegay inay wada hadlayeen minit iyo badh.

Mr. Qadaafi ayaa ah shakhsiga loogu doon-doonista badanyahay dalka Liibiya, waxaanay madaxda mucaaradku rumaysanyihiin inuu ku suganyahay gudaha ama duleedka Tripoli.

Kooxaha mucaaradka ah ayay fadeexadi ka qabsatay warkii  ay baahiyeen ee beenoobay ee ku saabsan inay gacanta ku dhigeen Seef Al-islaam, kaas oo si kedis ah habeen hore looga arkay telefishanada isagoo weriyayaal la hadlaya.

Si kastaba ha ahaate lama saadaalin karo halka ay ku dambayn doonto xaaladda Liibiya oo ay caasimadeeda Tiripoli xalay u muuqatay magaalo qasan, waxase ku soo jeeda madaxda mucaaradka oo damacsan inay dejiyaan qorsheyaal maamul iyo dawladnimo si aanay xaaladu faraha uga bixin.