Munaasibad La Isku Arkay Oo Lagu Abaal Mariyay Ardaydii Ugu Saraysay Dugsiyada Nuradin

0
926

 

 

mahadHargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay natiijada imtixaankii sannadkan ee dugsiyada kala duwan ee Nuradin Schools.

Munaasibadan oo lagu qabtay hoteelka Mansoor ee Hargeysa, waxa loo qabtay ardayda Nuradin ee hoose, dhexe iyo Sare ee sannadkan oo ay tiradoodu noqotay 233 arday, waxaana arday kasta la socday waalidkiisa, waxaana goobtaas shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii gashay kaalmaha hore, waxaana goob joog ka ahaa Wasiir xigeenka waxbarashada Md. Cali Xaamud jibriil, maamulaha dugsiayda Nuradin Md. Mahad Ibrahim Maxamed, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), waalidiinta ardayda, macalimiinta dugsiyadaas iyo marti sharaf kale.

Maamulaha Nuradin Schools, Mahad Ibrahim, oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu dugsigu soo maray, waxaanu si gaar ah shalay uga h adlay ujeedada munaasibadaas, isagoo yidhi,  “Munaasibaddan waxaannu u qabanay albaalmarinta ardaydii ugu sarreysay dhammaan dugsiyada Nuuradiin ee kala duwan ee  fasal kasta ardaydii ka gashay kaalmaha kowaad, labaad, saddexaad iyo ardaygii akhlaaq wanaagga iyo xaadirka ugu fiicnaa. Halkan waxa yaala jaa’isado badan oo ay ka mid yihiin kutub Qur’aan ah, kutub diini ah, qalabka waxbarshada ee muddo sanad ah ay wax ku baran karaan ardaydaasi.” Waxaanu intaas ku daray  “233 arday baanu jaa’isad siinaynaa, marka la isku celceliyo waxay ku fadhidaa arday kasta jaa’isadiisu 35 doollar, waxaannu ugu talogalnay in aannu ardaydaa dadaashay ka farxino. Waxa halkan fadhiya labeentii arayda dugsiyada Nuuradiin.”

Mr. Mahad waxa uu ammaanay macalimiinta iyo waalidka  ardayda oo uu sheegay inay sameeyeen dadaal culus oo u suurtogeliyey inay ardaydaasi soo gaadhaan heerka ay maanta taagan yihiin. “Nuuradiin, ujeedadayadu waxxa weeye in aannu soo saarno dhallin Ilaahay iyo diintiisa yaqaana oo laga helo dhammaan akhlaaqiyaadkii looga baahanaa.” Ayuu yidhi Mahad.

Isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay ardayda Nuradin kaga duwanyihiin kuwa kale, wuxuu yidhi, “Aradydaa kala duwan ee dugsiyada Nuuradiin dhigtaa waxay can ku yihiin laba arrimood oo kala ah inay isku darsadeen tarbiyad iyo aqoon waxaanna ka martikhaati kacaysa labadii sanno ee u dambeeyey dugsiyada Nuuradiin imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada 8aad iyo 4aad ee sare waxay ardayda Nuuradiin ka galeen meel aad u sarreysa. Tusaale ahaan 20-kii arday ee sannadkii hore u sarreeyey dugsiyada sare ee dalka 10 ka mid ah ayaa Nuuradiin ahaa.”  Waxaan madashii isla oogsaday sacab iyo mashxarad markii uu ereyadaas ku dhawaaqay. Waxa kale oo uumaamuluhu  sheegay in deeq waxbarasho oo la siiyey guud ahaan meelaha afka Soomaaliga  lagaga hadlo sida Jabouti, Kenya iyo Somalida oo dhan ardaydii kaalmaha 1aad iyo 2aad inay ahaayeen laba arday oo ka socotay dugsiyada Nuuradiin.

Isagoo ka hadlaya waxyaabaha la soo kordhiyay wuxuu yidhi, “Waxaanu sannadkii hore soo kordhinay dugsi hoose oo ku yaal xaafadda Xawaadle, sannadkana waxaannu soo kordhinay dugsi dhexe, sannadaha soo socdna waxaannu rajaynaynaa in aannu ka midho-dhalino ujeedooyinkayaga” ayuu yidhi Mahad Ibraahim Maxamed.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil oo xafladaasi ka hadlay, ayaa si weyn u ammaanay dugsiyada Nuuradiin oo uu sheegay inuu horumar gaadhsiiyey waxbarashada, waxaannu yidhi “Madashani waxay caddaynaysaa tayada waxbarasho ee dugsiyada Nuuradiin, waana tallaabo aad u fiican, waxaanay keenaysaa in dugsiyadu sidan oo kale sameeyaan, in araydu tartamaan, in waalidku ku farxo dadaalkii uu sameeyey. Waxyaabaha aan aad ugu farxay ee aan dugsiga Nuuradiin ku arkay waxa ka mid ah warqada warbixinta arday kasta.”

Wuxuu wasiir xigeenku ka waramay hawlaha waxbarasho ee wasaaraddiisu ku hawlan tahay, isagoo sheegay inay isbeddello badan oo dhinaca tayada ah samaynayaan sannadkan. “Annaga wasaarad ahaan sannadkan hawl culus baa inagu dhacday oo ah lacag la’aantii Madaxweynuhu ka dhigay dugsiyada hoose/dhexe, waxaannu qaadanay 200 macallin oo cusub, waa arrin culayskeeda leh”

Nuuradiin macallinka aan tayada lahayn wuu eryayaa, annaguna macallinka aan tayada lahayn ama aan horumarka samaynayn waxaannu samayn doonaa in aannu erino,” ayuu yidhi Md. Cali Xaamud.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo isaguna ku hadlayey afka waalidiinta Nuuradiin, ayaa sheegay in horumarka waxbarasho ee Somaliland gaadhay uu yahay mid ku yimi nidaamka  dawladnimo ee Somaliland dhisatay iyo nabadgelyada dalka ka jirta. “Farxad bay ii tahay in arday tiradaa le’eg oo waxbartay, waa hamigii aynu gaadhnay, waar ha la ilaaliyo” ayuu intaa ku daray Sheekh Aadan Xaaji Maxamud Aadan Siiro.

waxa uu ammaanay kaalinta dugsiga Nuuradiin ku jiro, waxaannu yidhi, “Dugsiga Nuuradiin inta aan ka ogahay, waxa uu calaamad u yahay wixii aynu doonaynay, waddanka waxa u sarreeya towxiidka iyo diinta islaamka waxaanna laga helayaa Nuuradiin. Bini’aadamku waa cududa iyo saldhigga guusha dal waliba gaadho, waad arkaysaan maanta dalalka caalamka sida Chine iyo India xawaaraha uu ku socdo horumarkoodu oo ay sabab u yihiin xoogga dadkoodu,” ayuu yidhi Sheekhu.

Sheekh Aadan-siiro waxa uu tilmaan ka bixiyey nooca umabadka loo baahan yahay inay dalka ka soo baxaan, “Waxaynu u baahanay ilmo muslim ah oo aqoon leh oo garanaya wixii dalkiisa iyo dadkiisu xaq ku leeyahay, isla markaana aan dhinac ka rarnayn oo aqoontii maadiga ahayd leh oo gaal iyo muslimba la hadli kara.”

Sheekh Maxamed Cumar Samatar, ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu ka waramay aqoonta iyo faa’iidada ay bini-aadamka u leedahay. Ugu dambayn waxa halkaas jaa’isado lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore gashay, kuwaas oo ka koobnaa toban arday oo qaybaha kala duwan ee iskuulka hormuud u noqday.