Hay’adda CCBRS Oo Tababar Ku Saabsan Daryeelka Carruurta U Furtay Golaha Deganka Burco

0
2470

 

burcoBurco(Geeska)   Hay’ada Wadaniga ah  ee  CCBRS ayaa tababar ku saabsan dhawrista iyo ilaalinta caruurta u furtay shalay Xildhibaanada golaha degaanka ee Degmada Burco.

Tababarka oo socon doona saddex maalmood waxa fulinaysa Haayada CCBRS isla markaasna waxa xaga Dhaqaalaha ka taageertay Haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan Badbaadada Caruurta ee UNICEF.

Furitaankii Tabarka waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay  Cabdisalan Maxamuud Ducaale (Ilkacase) oo ah ah Isuduwaha Haayada CCBRS ee Gobolka Togdheer waxaana uu sheegay  Mr Cabdisalan in Hayaadoodu aanay ahayn markii  u horaysay ee ay tababaro ku saabsan daryeelka iyo dhawrista caruurta ka qabato gobolka Togdheer balse ay shantii sannadood ee  u danbeeyay ay gobolka ka wadeen Mashaariic fara badan oo uu ka mid yahay dhawrista xuquuqda Caruurta.

 

Mr Cabdisalan waxa uu sheegay in ay Hay’adoodu Mashaaricda ay  wax ka qabato ay ka mid yihiin  Dhawrista Xuquuqda dadka naafada joojinta xadgudubyada ku kala dhaca jinsiga ,  waxa ka qabashada Nadaafada iyo  Faya dhawrka iyo  quudinta iyo wacgalinta Caafimaadka iyo mashaaric kale oo badan. Mr Cabdisalan waxa uu rajeeyay Xildhibaanada Golaha degaanka in ay ka faaiidaysan doonaa tabarkan.

Saxardiid Maxamed Cismaan oo ah Madaxa Guud ee Barnaamijayada Haayada Wadanigaa CCBRS ayaa  sheeegay in ujeedada ay tabarkan u qabteen uu yahay in Marka dawladaha Hoose ay samaynayaa Mashaariicda JLPG ee  5sano ah in lagu daro wax u qabadka caruurta isagoo sheegay in ay ka soo qabteen Tababarkan  Gobolada Hargaisa Awdal Saahil kanina uu yahay gobolkii afaraad ama Magalaadii afaraad in ay Burco tahay isago xusay in tababarku ay ufidinaayeen Golaha Degaanka iyo Gudida Horumarinta Xaafada. Mr Saxardiid waxa uu ku amaanay Xildhibaanada sida fiican ee ay uga aqbaleen Casuumadii uu ufididiay.

Xildhibnaan  Cabdilaahi Ibraahin Xujaale (Nafaqo) oo ah  Gudoomiyaha arimaha Bulshada ee Golaha degaanka Burco ayaa isna ku bogaadiyay  xildhibaanada in ay ka faaiidaystaan tababarkan isla markaasna qof kastaa ilaaliyo caruurta xaqooda waxaanu yidhi “ Sida aad wada ogtihiin dhamaanteen waxaynu nahay wada waaalid xaqa caruurteenana waynu naqaana xaqa diinta islaamku ina faraysana waynu ognahay .

HHadana in aynu xildhibaano ahaan ku feejignaana way fiican tahay oo sida uu sheegay  Mr Saxardiid markasta oo la samaynaayo Magaalayn ama degaan cusub waa in lagu daraa talada danta guud Garoomadii ay ku ciyaari lahaayeen Caruurteeni halkii ay wax ka baran lahaayeen iyo meelo kale oo tira badan .

Waxa kale oo uu  Xusay Mr Nafaqo in Haayada CCBRS iyo Dawlada Hoose ee Burco ay ka wada shaqeeyaaan hawlo badan haayadana ay tahay haaayadaha ugu wax qabadka badan ee ka shaqeeya Gobolka Togdheer .

Tababarka loo furay Golaha degaanka ayaa ah kii ugu horeeyay ee loo qabto golaha degaanka Burco ee ku saabsan Ilaalinta iyo dhawrista Xuquuqda Caruurta  tababarkani waxa  uu socondoonaa mudo sadex Maalmood ah waxaan kan ku xigi doona mid kale oo loo qabandoono Gudiyada Horumarinta ee Xaafadaha  Burco.