Wararkii U Dambeeyay Ee Kooxaha West Gate Qabsaday Iyo War Ay Booliska Kenya Soo Saareen

5
676

Picture4Nayrobi(Geeska)-Khasaaraha ka dhashay weerarka hubaysan ee lagu qabsaday suuqa West gate ee ku yaala magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa isa soo taraya, waxaanay dhimashadu ku dhowdahay 70 ruux, halka lixdameeye kalen la la’yahay, waxase la badbaadiyay dad gaadhaya kun ruux. 175 ayaa dhaawac ah.

Ciidamada Kenya, ayaa tan iyo shalay barqadii waxay weerar adag ku hayaan kooxaha hubaysan oo iyaguna rasaas ku soo ridaya ciidamada. Ciidamadu waxay sheegeen inay kooxaha hubaysan oo ay Al-Shabaab sheegtay inay ka tirsanyihiin ay dab qabadsiinayaan agabka suuqa yaala si ay uga hortagaan weerarka ciidamada Kenya.

Ciidamada Kenya, ayaa sheegay inay dileen saddex ka mid ah dadka suuqaas qabsaday, iyagoo intaas raaciyay inay inta hadhayna ay dhuumasho ku jiraan. Laakiin wararkaasi maaha kuwo la xaqiijiyay.

Dadka suuqaas qabsaday oo weerarka fuliyay maalintii Sabtidii, ayaa waxa tiradooda lagu qiyaasayaa inta u dhaxaysa 10-15 ruux.

Dunida, ayaa si weyn u cambaaraysay weerarkaas. Waxaanay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay ay saameyeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Holland, Kanada, Somaliya iyo kuwo kale.

Comments are closed.