Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Xadhiga Ay Hay’adaha Ammaanku Kula Kacaan Saxaafadda

0
4017

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa markii u horaysay ka hadlay xadhiga ay hay’adihiisa ammaanku kula kacaan saxaafada madaxabanaan ee Somaliland, wuxuuna sheegay inay khalad tahay haddii saxaafadda loo xidho mihnadooda.

Madaxweyne Siilaanyo, oo u waramay wargeyska caanka ah ee The Globe and Mail, wuxuu sheegay in marka uu ogaado in saxafi la xidhay uu markaba amar ku bixiyo in la sii daayo, isagoo ku adkaystay inay saxaafadu xor tahay. “Haddii loo xidho inay suxufiyihiin yihiin, waa khalad.” Ayuu idhi Madaxweyne Siilaanyo, isagoo intaas raaciyay, “marka aan ogaado, deg deg ayaanu u sii daynaa.”

Cabdifataax Maxamuud Caydiid, oo ka tirsan Wargeyska madaxabanaan ee Saxafi, oo ay saxafiyiinta The Globe and Mail isna la kulmeen, ayaa sheegay inay Boolisku weerar ku qaadaan saxaafadda iyagoon sidanin waaran maxkamadeed. Mr. Cabdifataax, waxa la xidhay laba maalmood ka dib markii uu wargeyskiisu baahiyay in mukhaabaraadka Maraykanku ay Somaliland u soo dirayaan koox, “Sirdoonka ayaa ka codsaday inay ogaadaan cidda warka siisay. Waanu diiday.” Ayuu yidhi Wargeysku. Cabdifataax, ayaa isna wargeyska The Globe and Mail u sheegay inaanay Boolisku wacyigashanayn islamarkaana aanay fahamsanayn distoorka dalka. “Dawladu waxay ku amartaa Booliska inay weeraraan saxaafadda iyagoon waaran doonan, waanay fuliyaan amarkaas.” Ayuu yidhi Cabdifatax.

Wargeyskan caalamiga ah, waxa kale oo uu ka hadlay weerarkii ay Wargeyska Hubaal dhawr bilood ka hor ku qaadeen kooxo madaxa soo duubtay, waxaanu wargeysku tilmaamay inay tahay arrin walaaceeda leh, isagoo sheegay dhaawicii loo gaystay masuulka wargeyskaas, isagoo wargeysku intaas raaciyay in markii dambe la ogaaday in mid ka mid ah dadka weearka fuliyay uu ahaa Boolis. “Qof waliba wuu naxay.” Sidaas waxa yidhi Aadan Abokor, oo ah aqoonyahan, “Weligeed may dhicin imika ka hor.” Ayuu raaciyay Aadan Abokor oo ka hadlayay mawduucan.

Wargeyska the Globe and Mail, waxa kale oo uu warbixintiisa ku bal-balaadhiyay xaaladaha dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar ee Somaliland, isagoo la kulmay masuuliyiin kala duwan.