“Annigu Wixii Aan Qaranka Ugu Idmanahay Waan Qabtaa”

0
3918

Picture3Hargeysa (Geeska) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar shakhsi ah oo uu laba toddobaad ugu maqnaa dalka imaaraadka Carabta.

Madaxwayne ku xigeenka oo shalay lagu soo dhaweeyay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka waramay ujeedada safarkiisa Dubais iyo kulano uu halkaasi kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Niijeer ee galbeedka Afrika.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, oo ka hadlaya ujeedada safarkiisa ayaa yidhi “Waxa ILAAHAY Mahadii ah inaan ku soo nabad noqdo dalkaygii oo aan ka maqnaa safar shakhsi ah oo aan ku maqnaa muddo laba toddobaad ah, dadkii reer Somaliland ee ku maqnaa, jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dadka ku nool Imaaraadka Carabtu waxay ahaayeen dad u halgamaya dalka iyo dadkaba”

Madaxwayne ku xigeenka oo la waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa inuu gabay kaalintii hogaamineed ee dalku ku lahaa ayaa ku jawaabay “Annigu wixii aan qaranka ugu idmanahay waanu qabtaa, hawlahana dhankayga waan hayaa, koleyna Madaxwaynaha ayaa u idman hawsha inta badan sida dastuurka iyo sharcigu dhigayo”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya kulan uu Dubai kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka ku yaala galbeedka Afrika ee Niijeer  “Wuxuu ahaa nin afhayeen u ah waddan dhan, waanu kulanay isaga iyo qunsulka u fadhiya Dubai, waxaanu ka wadahadalnay sidii ay labada waddan isku baran lahaayeen, Afrikada galbeedna aad inooma yaqaanaan oo way inaga dheer yihiin, waana dhulka aynu u baahanahay inaynu imika dardar cusub galino oo wasaaradda arimaha dibadu bilowno, waxaanu ku balanay inay inaanu casuuno oo ay inoo yimaadaan, annaguna aanu tagno oo aanu soo aragno, markaa wuxuu naga sugayaa casuumadda si u soo arkaan xaaladda dalka ka jirta”