Wararkii U Dambeeyay Ee Duqaynta Israa’iil Ee Qaza

0
560

Picture4Gaza (Geeska)-Duqeynta ay ku hayaan Ciidamada Israa’iil Magaalada Gaza ee ay degan yihiin dadka reer Falastiin ayaa wali socda, iyada oo duqeyntaas ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aad u badan oo iskugu jira dad maatiya oo u badan Caruur iyo Dumar.

Dhinaca kale  Ciidamada qalabka sida ee Israa’iil ayaa sheegey in ay bilaabeen duulaan dhulka ah oo ka dhan ah magaalada Gaza ee Falastiin, waxay sheegeen in ay uga jawaabayaan gantaalada Xamaas ku ridayso Israa'iil.

Duulaankani ayaa imanaya xili  Maalintii khamiistii muddo Shan saacadood ah ay socotay xabad joojin lagu sheegay in ay tahay mid loogu tala galay in lagu fududeeyo ''Gargaarka bani'aadanimo'', balse Israa'iil ayaa ka dib bilawday duqeymihii.

Israa’iil waxa ay sheegtay in ay qaaday 1,960 oo weerar xagga cirka ah, halka Ururka Xamaas uu riday 1,380 gantaal tan iyo intii ay xiisadani bilaabatay 8-dii bishan Jully. Qaramada Midoobey oo hadashay waxa ay sheegtey in duqeymaha Israa’iil ay ku burbureen 1,370 oo guri, 18,000 qofna ay ku barakaceen.

Illaa iyo hadda waxaa duqeymaha Israa’iil ku dhintey 230 qof oo reer Falastiin ah, kuwaasi oo badankood ahaa dad rayid ah. Sida ay tabisey wakaalada wararka Falastiin, waxaa hadda socda duqeymo xagga cirka, dhulka iyo waliba badda, Saxaafadda Israa’iil waxa ay sheegtey in ujeedka duulaanka uu yahay in lagu burburiyo godad suurogal ay tahay in ay ka dusaan dagaalyahanada Xamaas iyagoo u talaabaya dhanka Israa’iil.

Ururka Falastiin ee Xamaas, ayaa si rasmi ah  u diiday xabad joojin ay soo jeedisay Masar, si loogu soo afjaro duqeynta Israa'iil ay ka waddo Marinka Gaza muddada 9-ka maalmood ah, Ku dhawaaqidda ayaa timid kaddib markii 4 carruur ah oo falastiiniyiin ah lagu dilay weerrarada cirka ee Israa'iil, xilli ay ku ciyaayeen xeebta.

Israa'iil, ayaa xoojisay weerrarada ay ku hayso Marinka Gaza, xilli xubno badan oo ka tirsan dowladda ay ku baaqayaan in la qaado weerar dhulka ah, Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil, Avigdor Lieberman, ayaa sheegay in duqeyn oo kaliya aanay yareyn karin handadaada gantaalada Xamaas.