Sheekh Aaden Siiro Oo Ka Digay Oromada Wadanka Ku Soo Badanaysa

0
528

Picture5Hargeysa(Geeska):-Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray(Aadan Siiro) ayaa Xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay amar degdeg ah ka soo saarto sidii ay dalka uga saari lahayd dadka soo galeetiga ah ee Oramada, kuwaasi oo muddooyinkii danbe si aada ugu soo badanaayey gudaha Somaliland,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ay dalka ku hayaan culays aad u badan iyo waliba  dhibaatooyin kale kuwaasi oo ay si xooga u buux dhaafiyeen goobaha Masaajidada ,Guryaha iyo meelo kale oo aad u tiro badan kana codsanaya in ay wax siiyaan.

Wuxuu sheekhu tilmaamay in ay dad badan oo  muwaadiniin reer Somaliland ah ay baahi badan u qabaan in wax la siiyo sidaas awgeedna ay muhiim tahay in aan waxba la siinin dadka Oramada ah ee dalka buux dhaafiyey balse waxii la bixinaayo loo huro in la siiyo dadka shicibka ah ee ku nool gudaha Somaliland.

Sheekh  Aadan Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka hadlaayey khudbadii Jimcaha, waxaanu tilmaamay in hadii aan laga fekerin sidii dalka looga saari lahaa dadka Oramada ah in aanay  waligoodna ka tegayn dalka.

"Masaajidkii,meel walba waa ay buuxiyeen guryihiibay hortaagan yihiin,waar ma waxad kari la'dihiin in aad tidhaahdaan Wadankiinii ku noqda,waa idinkii ogaa markii uu Ismaaciil la hadlay intii uu Joogay ee uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waatii baabuurtii galbeedka lakala waayey oo waa dad dawlad ku nool oo waa dad kala yaqaana marka amar la siiyo,waar waxaanu leenahay amar dagdaga ka soo saara”.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray:“Waxaan la yaabay nin lafoole ka soo baxay ayaanu kulanay dhawr iyo sagashankii Umaddaa ilaahaybaa inaga hayee haddii aynaan caqli keenin sidan ku socon mayno ayaa uu igu yidhi,waayo waxaa uu igu yidhi meel baanu tagnoo oo Harta sheekha ah,waxaanu u tagnaybaa uu yidhi Nin Orama ah oo 95-Jir ah oo aan Sonkor arag,Markaa nin aan Sonkor arag hadaad isku soo dayso ka waran ,waxaan idiin sheegayaa in badana waanu ka hadalnay laakin dhago ma li hidin aad ku qaadataana oo aynu isu sheegno oo waar lacagta ka daaya aad siinaysaan oo dadkeenii ayaa baahanee siiya".