Warancade Oo Xukuumadda Ka Dalbaday Inay Ka Hawlgasho Dhawaaqa Dawladda Shariif Ee Xajka Sanadkan

0
655

 

waranHargaysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Cali Maxmed Warancade ayaa wasaarada Arimaha gudaha iyo wasaarada arimaha dibada ugu baaqay inay war sugan ka keenaan war ay sii daysay xukumaada Sheekh Shariif  oo ah in sanadkan xajka lagu tagi doono basaborka ay leedahay dawladoodu islamarkaana la mamnuuci doono Basaborkii hore ee cagaarnaa.  Waxaanu warancade xukumumaada ugu baaqay inay si faah faahsan uga hadasho arintaas si looga baxo shakiga ah in xataa Hargeysa lagu bixin doono Basaborkkaas.

 

Warancade ayaa hadaladan ka jeediyay Xaflad loo qabtay arday ka qalin jabinaysay xarunta dhimirka ee Sahan.

Sidoo kale wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday oo isaguna isla xafladaas ugu jawaabay Caliwaran cade ayaa meesha ka saaray in sanadkan xujaajta Somaliland ay ku xajayaan basaborka dawalada ku meelgaadhka ah, waxaanu shaaciyay inay shirkadaha xajiya shacabka Somaliland ee Daallo iyo Juba-ba ay sheegeen inay dadka Somaliland ku tagi doonaan basaborkii hor e ee giriinka ahaa. Wasiirka ayaana xusay in Somaliland kaligeed loo aqoonsanayahay inay isticmaasho basaborkii hore ee somaliya.

Ugu horayn Warancade waa kan isaga oo ka hadlaya basaborka dawlada kumeel gaadhka ah ee ay sheegtay dawlada Sh.Shariif in lagu xaji doono sandkan “Waxaan ka maqlay warbaahinta laba war oo aan labadoodaba aad uga naxay midi waxa ay ahayd dawlada Soomaliya oo leh Xajka soo socda haddii Soomali la yahay oo ay inagana inagu darayaan waxa lagu tagayaa basaabor ay yidhaahdeen E-passport ayaa la yidhaahdaa oo uu sameeyay nin Carab ah oo Dubai fadhiya, ninkaasina xitaa ku aamini waayay inuu gacanta dawlada ku meel-gaadhka ah galiyo, dabadeedna lacagta soo ururiya ayuu yidhaahdaa dabadeedna lacagtii iyo magaca qofka iyo dhalashadiisa ayay ugu diraan Dubai, marka uu lacagta helo ayuu basaborka u soo diraa oo qofka la siiyaa.” 

Warasncade isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxayna cadayn uga dhigeen oo ay yidhaahdeen dawladaha aduunka ayaa naga codsaday nabadgalyadda xageeda in baasaaboorkaa ninka Carabka ahi bixiyo in lagu taggo Sucuudiga si nabada loo helo. Warkii ku xigaan dhagaystay waxa uu ahaa inan yar oo toban jira oo quraanka malcaamad ka barata ayaa la gawracay, yaa gawracay kuwa basaborka bixinaya, deedna waxaan iswaydiiyay ma basaborka Somaliland ee dadkeedu ay kabayaan dadka maskaxda ay wax ka soo gaadheen ayaa nabad Sucuudiga loogu tagi kara, mise ka ninka bixinayaa uu  cabaayo dhiigii ilmaha uu dhalay. ” 

sidoo kale Cali Warancade waxa uu ka hadlay inuu ku dadaalay afar jeer oo uu xajka tagay in uu dhulka barkaysan baro Somaliland “ Waxaan ku dedaalay afar jeer oo aan xajka tagay, afartaa sanadood ee aan tagay Xajka waxaanu ku dedaalaynay inaanu Somaliland barno dhulka barakaysan oo aanay noqon siyaasadda iyo Xajku inay Sucuudiga iskaga khaldamaan, waxaanu Xajka geynay calanka Somaliland, waxaanuna cirka u dirnay bahalo waawayn oo uu ku qoran yahay Calanka Somaliland iyo Ashahaadadu, waxa na ashkateeyay qolooyinka halkaa u jooga qolada dawlad ku sheegta, waxayna yidhaahdeen nimankani waa Soomali, calanka aanu leenahayna waa kaa cirka u eg’ ee xidigta cad dhexda ku leh, markaa calankooda hala rido ayay yidhaahdeen, Sucuudigii way soo yaaceen waxayna arkeen labadii calan oo isku garab yaala midna waxa ku qoran towxiidka midna waa bahalkaa had iyo jeer dhiiga shalakhsanaya, nimankii Sucuudigu waxay yidhaahdeen haddii aanu mid ridayno kan buluuga ah ayaanu ridaynaa, laakiin kan kale (calanka Somaliland) ridi karimayno oo towxiidka ayaa ku yaala.”

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay xukumaada Somaliland gaar ahan wasaarada arimaha gudaha iyo wasaarada arimaa dibada inay si faah faahsan uga hadalaan arintaa basaborka dawlada kumeelgaadhka ah ee la damcsan yahay in lagu xajiyo xujaajta Somaliland “Maanta waxay doonayaan inaynu Xamar iyo dhulkaa carruurta dhiigooda lagu cabayo u doonano baasaabooro, markaa waxaan leeyahay wasaaradda daakhiliga iyo arimaha dibadu si deg-deg ah waa inay uga keenaan war cad oo la inaguma khasbi karo inaynu baasaabooro Xamar u doonano, 20 sanadood ayaynu taariikhdeenii iyo nafaheenii wanaagsanaa u baabiinay Somaliland inay gooni isku taagto, maanta ma dhici karto in la inagu gumaysto oo Sucuudigu ka qayb-qaato in la inagu khasbo warqadaa dhiiga leh ee Xamar taala, xaqna waynu u leenahay inaynu nidhaahno ninka Baasaaboorka Sucuudiga ah sitaa dalkayaga ma soo gali karooo ummad dhisan ayaynu nahay haddii keena la diido.”

Ugu danbayntii waxa uu yidhi wasiirkii hore ee Somaliland Cali Warancade “Waxaan leeyahay labadaa wasaaradood oo aan ka codsanayaa in safaaradda Sucuudigu Djabuuti ku leeyahay si deg-deg ah arintaa loo gaadhsiiyo intaan faraha la iskula tagin ee aan Xajku soo dhawaanin oo laga codsado, Sucuudiguna wuu ogyahay inaynu maanta labada dal kala nahay, inaan Madaxwaynahoodu dalkeena soo gali Karin way ogyihiin, markaa waa in arintaa si deg-deg ah wax looga qabto, si meesha uu uga baxo shakiga ah ilaa Hargeysa ayaa lagu bixinayaa oo runtii khatar wayn inagu leh bulshadeena.”

Waxa isala xaflada ugu jawaabay Cali Warancade wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday oo meesha ka saaray in xujaajta Somaliland ay sanadkan ku tagi doonaan xajka basaborka dawlada kumeelgaadhaka ah hadaldiisiina waxa kamid ahaa “Horta basaborka girriinkaa cida qudha ee loo ictiraafsanyahay ee isticmaashaa waa Somaliland, qodabka kale waxa weeye inaga Somaliland ahaan wali xukumaadi inama xajinin kuwii hore iyo tandanbe midna ee waxa ina xajisiiya laba hay’adood oo qudhiyaata oo kala ah Daalo iyo Juba iyo culumida Somaliland. Markaa labada mid shalay ayaa uu shirkay sanadkii mar qabsan jireen u dhamaaday oo waa Daallo, Jubana horay ugu dhamaatay waxaanay labaduba cadeeyeen in Somaliland ay ku xaji doonto basaborkii hore ee giriinka ahaa ee ay ku xaji jirtay, umana baahnin kan cusub ee ay Somaliya isticmaalayso. Anigoo ku hadlaaya afka xukumaadana hadii illaahay nafta inoo daayo waxa aynu ka shaqaynaynaa bishaa bisheeda sidii aynu ugu xaji lahayn basaborka Somaliland, waayo waxaynu nahay umad islaama cidbayn u diran karnaa waxaynu odhanaynaa xajkii miyaad noo diideen mise waxaanu ku xajnaa, kaayagaa ( basaborka Somaliland) noo ogalaada ama mid aad idinku leedihiin noo sameeya oo saddexdaa bilood ee xajka aanu isticmaali karno.”