Xasuusta Murugada Leh Ee Xasuuqii Jasiira Iyo Xogta Ninkii Ka Badbaaday !!

0
1006

 

xeebtaAkhristayaal, habeen hore 17 Julay, 2011, waxa ay ku beegnayd sannad guuradii 22aad ee ka soo wareegtay xasuuqii xeebta Jasiira ee 17 Julay 1989, oo ay dawladii Maxamed Siyaad Barre dhegta dhiiga u dartay 47 qof oo reer Somaliland ah oo xilligaas ku noolaa magaalada Muqdisho.

Haddaba, sida sannad kasta caadada u ah Wargeyska Geeska Afrika,waxaanu umadda Somaliland u soo bandhignaa xasuusta xasuuqaas foosha xumaa si loogu cibro qaato, waxaanan  laga bilaabo cadadka maanta idiin soo gudbin doonaa Warbixin uu Cumar Muuse, oo ahaa shakhsigii keliya ee ka badbaaday xasuuqaasi uu diyaariyay oo uu kaga waramayo sidii xasuuqaas foosha xumi u dhacay. Cumar Muuse markaasi da'diisu waxay ahayd 26 jir wuxuuna ahaa arday dhigta machadkii Maaraynta iyo Maamulka ee Muqdisho ku yaalay.  Cumar oo u waramay shabakadda wararka ee SDWO, ayaa ku bilaabay sidan: "Habeenkii taariikhdu ahayd 16 – 17 Julaay 1989, mar ay saacadu ku beegnayd 1-dii habeenimo. Shan koofiyad cas ah ayaa soo jabsaday gurigii aanu jiifnay. Waxan ahayn 5 rag ah iyo 4 dumar ah. Afar nin oo ka mida shantii nin ee aan guriga ku jiifnay, oo uu ku jiro ninkii guriga lahaa Cabdirisaaq Caydiid Maxamed, ayaa la qaaday. Nin da' weyn oo curyaan ah kaasoo aan socon karayn ayaa laga tagay.

Waxa naloo qaaday meel aan ku qiyaasayo inay guriga u jirtay ilaa 30 talaabo halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah kuwaasoo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Ciidamadu waxay ku jeeniqaarnaayeen qoryaha AK. Dadka ay koofiyad castu ku hareeraysnayd qaarkood way feedho qaawanaayeen. Dadka meesha fadhiyey madaxoogu lugahooda ayuu ku hoos jiray. Waxan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo midkale oo Toyota ah kaasoo uu saaran yahay qori Braun ah. Qaar askarta ka mida ayaa nagu garaacay qoryihii ay siteen dabadooda. Waxba nalama waydiin. Waxa nala fadhiisiyey meeshii dadka kale ay fadhiyeen. Mid askarta ka mida ayaa tirinayey dadka markasta oo qaar cusub lagu soo biiriyo. Ugu dambayntii wuxu u sheegay sarkaalkii watay in tirada dadku yihiin 47 qof."

Waxa nalagu qaaday mid kamida labadii Paggazi. Intaanu saarnayn gaadhiga xamuulka ah si isdabajooga ayaa naloo garaacayey, iyadoo naloo cagajuglaynayey. Gaadhiga xamuulka ah jembiyadiisa waxa saarnaa askartii na ilaalinaysay. Waxa naloo dhaqaajiyey dhinaca Koonfurta Muqdisho. Waxa na daba socday laba gaadhi. Waxan u leexanay dhinaca bada, anagoo si tartiib ah ugu daadagayna dhinaca biyaha bada. Markani waxay ahayd markii aan garawsaday in nala tooganayo oo aan xabsi naloo wadin. Nin da' weyn oo i agfadhiyey ayaa isna dareenkaa mid la mida qabay."

Saddexdii baabuur waxay istaageen meel u dhow xeebta. Meel noogu beegnayd bariga waxa ka muuqday ciidii bada oo si taal taal ah u tuulan. Askartii nala socotay waxay isku qaybsheen laba kooxood: kooxi waxay isku xeereen baabuurkii xamuulka ahaa ee aan saarnayn, kooxdii kalena waxay fuuleen ciidii tuulnayd. In yar kadib waxay ka soo noqdeen ciidii tuulnayd waxaana naloo waday oo nala geeyey ciida tuulan guudkeeda, waxaana amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox koox ayaa nalooga daadajiyey carada tuulan korkeeda iyadoo shan shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo, hase yeeshee maanaan maqal wax dhawaaq ah. Waxan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu,Muxamadan Rasuulullahi'….'Laa Ilaaha illaLaah'."

Si isdabajoog ah ayaa naloogu cagajuglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee  loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta…La Soco