Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Mid Ka Mid Ah Raggii Diyaaradaha Ku Duqeeyay Hargeysa Iyo Burco U Magacaabay Wasiir

1
839

 

 

garooweHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa wasiir u magacaabay mid ka mid ah raggii bixiyay amarkii ay diyaaradihii Maxamed Siyaad Barre ku duqeeyeen magaalooyinka Somaliland dabayaaqadii sideetamaadkii.

Madaxweynaha Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay Khaliif Ciise Yuusuf (Mudan) u magacaabay wasiirka  Amniga, Dabka dhigida, Dib u habeynta, dhaqan celinta. Khaliif Ciise Yuusuf oo ay isku beel yihiin Madaxweyne Faroole ayaa ahaan jiray Taliyihii ciidanka Cirka garoonka Bali-Doogle ee duleedka Muqdisho ee dawladii Siyaad Barre, gaar ahaan xilliyadii uu xasuuqa foosha xumi ka socday Somaliland, waxaanu ka mid ahaa raggii kaalinta firfircoon ka gaystay duqayntii ay diyaaradihii Siyaad Barre u gaysteen magaalooyinka kala duwan ee Somaliland iyo maatadii ka qaxday dagaalkii 1988 Hargeysa iyo Burco ku dhex maray mujaahidiintii SNM iyo dawladii Maxamed Siyaad Barre. Khaliif Mudan,  markii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre dhacday waxa uu ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Somaliya, kaas oo la aaminsanyahay inuu darajadaas ku mutaystay kaalintii uu ka qaatay xasuuqii Somaliland.

Khaliif Ciise Mudane, oo imika ah nin ganacsade ah, waxa ay xasuuqaas diyaaradeed si weyn uga wada shaqeeyeen gaashaanle Sare Faarax Siciid oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa oo ay isku beel ka soo jeedaan iyo Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Dirir oo isna ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Berbera oo isna ka soo jeeday beesha Maxamed Siyaad Barre

Comments are closed.