War Aan Ka Farxinayn Macallimiinta Xisaabta: Talefanka Gacanta Ayaa Hadda Kadib Shaqadooda Qaban Doona

0
784

Picture1London (Geeska)- Suurtogal ma’ tahay in dhowaan ardaydu ay ka maarmaan macallimiinta xisaabta? Ma laga yaabaa in furfuridda masalooyinka xisaabeed ee hadda u baahan in la xafido qaacidooyinka adag ee loo raaco, ay dhowaan noqdaan wax qof kastaa furfuri karo isaga oo aan fikir iyo waqti ku lumen?! Ma laga yaabaa in dhowaan arday kastaa uu noqdo horyaalka xisaabta oo aan dhibcaha looga baahan yahay waxba ka dhimin? Su’aalahan iyo kuwo kale oo badanba waxaa soo kiciyey soo bixitaanka barnaamij cusub oo lagu magacaabo Photo Math.

Barnaamijkan (Application) oo ay abuurtay shirkadda MicroBlink ee fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa ku shaqaynaya talefannada gacanta ee casriga ah (Smart phones), waxa aanu si gaar ah ula shaqaynayaa qaybta Kamarada talefanka oo marka masalada xisaabeed oo si caadiya u qoran lagu sawiro kamarada uu barnaamijkani si dhaqso ah u keenayo furfuridda iyo natiijada xisaabta uu sawirtay. Taas macnaheedu waa in qof kasta oo barnaamijkan talefankisia gacanta ku shubta ay u suurtogelayso in uu sawiro masalada xisaabeed, kadibna barnaamijku uu xallinayo masaladaas oo uu shaashadda talefanka soo dhigayo xalkeeda oo faahfaahsan si fiicanna loo arki karo dariiqada uu maray. Laakiin sida ay sheegayaan qaar ka mida h macallimiinta iyo masuuliyiinta maamulka ee qaar ka mid ah dugsiyada Maraykanka oo barnaamijkan la tusay, weli barnaamijku waxa uu u baahan yahay in la sii balladhiyo, oo tusaale ahaan aanu weli awoodin in uu xalliyo masalooyinka Calculus ka ah. haddana taasi meesha ka saari mayso faa’idada ballaadhan ee barnaamikan, waana arrin ay fududahay in mustaqbalka lagu sii daro shaqooyinka uu qabanayo.

Barnaamijkan oo awood u leh in uu akhriyo, tibaaxaha xisaabeed, jibbaarada, awoodaha, xididka iyo isle’eg yada ayaa ay dad badani ku tilmaameen mucjiso arday kasta caawinaya, arday badan ayaana si farxad leh u soo dhoweeyey, in kasta oo cabsi badan laga qabo in uu ardayda ku dhiirri gelin doono in hadda kadib aanay fikir iyo dadaal badan ku lumen xisaabta. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa uu intaas ku darayaa in barnaamijkani uu ku shaqaynayo talefannada Apple ee ku shaqeeya barnaamijka iOS iyo  talefannada gacanta ee  u shaqeeya Windows ka, laguna wado in sannadkan foodda innagu soo haya ee 2015ka la soo saaro qayb ka mid ah barnaamijkan oo ku shaqaynaya talefannada ku shaqeeya barnaamijka Android.