Walxaha Kiimikada Ka Samaysan Ee Guryaha Aynu Ku Isticmaalno Qaarkood Ayaa Ragga Ma Dhalays Ka Dhiga

0
667

Berlin (Geeska)- Cilmi-baadhis lagu sameeyey dalka Jarmalka ayaa ragga oo dhan uga digtay sababo ay sheegtay in ay ragga ku keento ma dhalaysnimo oo ka jirta guryaha dhexdooda, xeel-dheerayaasha cilmi baadhistan sameeyey waxa ay sheegeen in maaddooyinka kiimikaad eek u jira wax yaabaha kala duwan ee guryaha lagu isticmaalo, oo ay ka mid yihiin macjuunka cadayga, saabuunta, iyo aaladaha rabadhka (Caagga) ka samaysan ee carruurtu ku ciyaartaa ay saamayn taban ku yeeshaan noolaha manida ah ee ragga. Natiijada daraasaddan oo ay dad badani aad ugu guuxeen, kuna doodeen in ay jawaab u noqon karto xaaladda ma dhalaysnimo ee ragga dunida oo dhan sida aadka ah ugu soo badanaysa. Cilmi baadhistan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carraga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in saddexdii shay ama aaladood ee ka mid ah kuwa aynu maalin kasto isticmaalno ee samaysan isku-dhis kiimikaadba uu mid ka mid ahi leeyahay khatar ah in uu saamayn weyn ku yeesho awoodda noolaha manida ragga, taasina ay keeni karto kor ku kaca ma-dhalaysnimada ragga dunida oo illaa hadda ay khubarada caafimaadku sababteeda rasmiga ah garan la’ yihiin.

Waa markii ugu horreysay taariikhda caafimaadka ee la sameeyo cilmi baadhis ay natiijadeedu noqoto in ay jirto saamayn toos ah toos ah oo maaddooyinka kiimikada ee aadamuhu sameeyaa ku yeelan karto noolaha manida ragta, taasina waxa ay sii kordhinaysaa cabsidii awalba laga qabay suntan ku qarsoomi karo maaddooyinka kiimikada ah ee shaybaadhada lagu soo tijaabiyaa ay ku sheegaan in ay aamin yihiin. Khubarada cilmi-baadhistan samaysay ayaa aaminsan in ay heleen hab cusub oo lagu baadhi karo khatarta waxyaabaha kiimikada leh ee guriga lagu isticmaalaa ku keeni karaan manida ragga, taas oo dhaawacaysa awoodda ninka ee dhalmada, waxaana la filayaa in natiijada daraasaddan oo loogu talo galay midowga Yurub ay keento in Midowga Yurub uu qaato go’aan uu ku mamnuucayo ama xakamaynayo walxahan qaarkood. Kuwa ay sida gaarka ah u magacaabeenna waxaa ka mid ah mac-juunka ilkaha lagu cadayo, kiriimka fallaadhaha qorraxda lagaga ilaaliyo maqarka iyo wax yaabaha la isku nadiifiyo ee kale qaarkood, waxa culimadu aaminsan yihiin in kiimikada wax-yaabahan ku jirtaa ay si toos ah u abbaarto marinnada manida ninka kadibna ay disho dheecaannada looga baahnaa in ay dhex galaan ugxaanta gabadha, waana taas ta keenta ma dhalaysnimadu.