Maraykanka Oo Ku Andacooday Inuu Helay Dawo Dib U Bilqaysa Xubnaha Jidhka Ee Go’a Iyo Ruushka Oo Seegay Inuu Ciidamadiisa U Sameeyey Kiniin Ka Hortagaya Geerida

0
753

Moscow (Geeska)- Magaalada Moscow ee caasimadda u ah dalka Ruushka ayaa lagaga dhawaaqay in la sameeyey dawo ka hortegeysa geerida dadka sida khatarta ah u dhaawacma. Shabakadda wararka ee CNN oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa muddo ka hor baahisay war sheegaya in masuulka milateri ee qaybta caafimaadka u qaabilsan wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka Janaral Vladimir Shambo uu sheegay in uu jiro kiniin loogu talo galay in lagula tacaalo dhimashada oo ay ikhtiraaceen khubaro ka tirsan wasaaradda difaacu.

Talifishanka CNN ayaa soo xiganayey wargeyska ka soo baxa dalka Ruushka oo uu masuulkani la hadlay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, "Waxa jirta maaddooyin diyaarsan oo taageeraya awoodda qofku u leeyahay nolosha, waxaana maadaddan loo qaybiyey ciidamada loogu talo galay fulinta hawlgallada gaarka ah" Waxa uu janaraalkan Ruushka ahi ku dooday in dawadani tahay dawo sir ah, sidaa awgeedna aanu doonayn in uu aad uga sii warramo. Laakiin mar la weydiiyey bal in uu sheego waxa ugu badan ee ka sheegi karo, ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, "Saynisyahannada Ruushka ayaa ikhtiraacay tignoolajiyadda dawadan oo dhakhaatiirta ka caawinaysa in ay nolosha ku hayaan dadka sida dhimashada leh u dhaawacma" Waxa uu janaraalku ku andacooday in dawadani geeri ka hor istaagtay kumaan ciidamadooda ka mid ah oo qabay dhaawacyo culus iyo wax yeellooyin loo dhimanayo.

Sheegashadan Ruushka ee ah in ay diyaariyeen dawo askartooda ka ilaalinaysa dhimashadu waxa ay ka dambaysay markii sannadkii 2008da ay khubaro Maraykan ahi sheegeen in ay ikhtiraaceen maaddo budo ah oo laga soo dheegtay doofaarka, taas oo suurtogelinaysa in ay dib u soo bilqaan ama dib u soo baxaan xubnaha qofka ka go’a. Saynisyahannada milateriga Maraykanku waxa ay sheegeen in gobolka Taxes ay askari Maraykan ah oo dhaawacmay ku sameeyeen qalniin taariikhi ah oo ay dawadan u adeegsadeen, askarigan oo ay fari kaga go’day qarax sannadkii 2007da dhacay dalka Ciraaq, ayaa ay maaddadan ku beereen jidhkiisa iyaga oo rajaynayey in farta askarigan go'day ay dib u soo bixi doonto sida laanta geedka. Khubarada Maraykanka ah ee tijaabada maadaddan budada ah ku sameeyey askarigu waxa ay ka qiyaas qaadanayeen xayawaanka loo yaqaanno Jir-jiroolaha oo uu Alle awood u siiyey in xubin kasta ama qaybtii kasta ee jidhkiisa ka go'daa ay dib ugu soo baxdo, waxa aanay ku doodeen in dawadaasi ay wax badan ka tari doonto dadka xubnuhu go'aan iyo dadka gubta. Lama hayo illaa hadda ifafaalo muujinaya in maadadaa budada ahi soo saari doonto xubnaha qofka.