Wali Lo’dii Hargaysa Way Dhex Daaqaysaa, Dawladii Hoosena Way Ka Caajistay: Weriye Maxamed Taajir

10
4867

LODII HARBilahii la soo dhaafay ayaa dawlada hoose ee magaaldda Hargaysa, ay go’aan ku gaadhay in magaaladda caasimada ah ee Hargaysa gudaheeda aan lagu arki karin lo’da daaqda suuqyada dhexdooda oo bilicda magaaladda wax weyn u dhimaysa.

Go’aankan oo ahaa mid qaybo badan oo kamid ah bulshada ku dhaqan Haryagsi ay si diiran u soo dhaweeyeen ayaa noqday go’aan aan meel marin, ka dib markii ay ka caajistay dawlada hoose oo maalmahii hore ee ay go’aankan soo saartay si adag u fulisay, kuna riday lo’dii ay ku dhexqabatay suuqyada ganaaxyo, qaarkamid ahan  ay ku wareejisay ciidamadda asluubta.

Muuqaalkan aad arkaysaan waa lo’ si caadi ah u fadhida  hareeraha  wadada isku xidha magaalda, gaar ahaan aqalka aadka loo qurxiyay ee madaxtooyada, waxaana in badan oo dadka kamid ah ay is waydiinayeen sababta go’aankii dawlada hoose ka soo saartay dhex joogitaanka lo’da uu u meel mari waayay.

Guud ahaan makraad eegto hawlahii ay u xilsaarnaayeen golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa ayaa ah kuwo ay ka muuqato fadhiidnimo xoogan, waxaana inta badan ee magaalada aad ku arkayasaa in aan bilicda magaalda hawlwayn layska saarin, qashinkuna uu daadsan yahay meel kasta.

Haddaba wakhtiga yar ee ugu hadhsan golaha deegaanka ee Hargasya waxa la gudboon inay qaadana talaabooyin muhiim ah oo wax lagaga qabanaayo guud ahaan bilicda magaalada, waxaanay bulshda ku dhaqan Hargaysa ay ka sugaysaa golaheeda deegaanka inay meelmariyaan sidii mar labaad looga saari lahaa wadooyinka suuqa lo’ada buuxdhaafisay.

Comments are closed.