Koox Dhalinyaro Ah Oo Soo Jeediyay In La Xakameeyo Golayaasha Deeganka Dalka

0
611

Hargaysa( Geeska )- Kooxdhalinyaro ah ayaa  xukuumadda talo ugu soo jeediyay in wakhtiga lagu jira kala guurka doorashada golayaasha deegaanka la xakameeyo awoodaha golayaasha deegaanka ee wakhtigu ka dhamaaday.

Kooxdan dhalinyarada ah waxa kale oo ay sheegeen in wakhtigan golaha deegaanka ee Hargaya ay wadaan qorshaynta beero badan oo magaalada hareeraheeda ah lana maqlo subxii cagafyo ku digaafaya hereeraha magaalda, taas oo ay ku macneeyeen in lagu lunsanaayo dhulka danta guud ee beerahaas laga jaro.

Waxa kale oo ay kooxdan taageero u muujiyeen musharax Maxamuud Jaamac Axmed, oo ay ku tilmaameen inuu yahay murashax da’yar oo buug ku soo bandhigay hamigiisa ku waajahan hagaajinta magaaladan caasimada ah ee Hargaya.

Dhalinyaradan ayaa ku tilaamay in  baahiwayn maanta loo qabo in bulshadu ay iska eego golaha deegaanka ee ay damacsantahay inay soo doorato si loo hagaajiyo magaalooyinka, isla markaasna meesha looga saaro adeeg la’aanta haysata bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka oo aan haysan biyo kufilan,wadooyin iyo gooba lagu ciyaarto.

Cali Cismaan Cabdi ( Gadhale ) oo kamid ah kooxdan dhalinyada  ah oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel Emperial  oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Baryahan danbe markii la arkay in gole deegaan oo cusibi uu ku soo socdo caadimada, golahii hore ee deegaanku galkay seefta kala baxeen, imikan marka uu waagu baryo inaad u fiirsateen iyo inkale mooyaane waxa hareeraha magaalda ukala baxa Cagafyo, Cagafyadaas oo qorsheeya beeraha magaalada ku teedsan ujeedada laga leeyahayna waxa weeyaan si beerwalab danta guud ee laga jaro loo iibsado, danta guudna waa dhunka dadka ka dhaxeeya ee laga samayn lahaa goobo caasimaad,kuwo amini,kuwo waxbarasho iyo kuwo ciyaareedba, afarta jiho ee magaalada Hargaysa waxa ka socda dad ganacsato ah oo lacag la taga, dawlada hoose oo halkaas tagta, waxaan halkaas ka taagan iga gad iyo kaa gadi maayo. Warbaahinta niga oo ka faa’idaysanaya xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa inay xakamayso awoodaha ay leedahay dawlada hoose iyo golaha deegaanka ee wakhtigoodu sii dhamaanayo xiligan kala guurka, si aanay dawladaha hoose ugu kacin  boob caam ah  wakhtiga kala guurka.”

Cabdiraxmaan Maxamed Simaaciil ayaa isaguna dhankiisa sidan oo kale soo jeediyay in la xakameeyo golayshadeeganka wakhtiga kala guurka, waxaanu bulsha weynta Somaliland ugu baaqay inay ka fiirsadaan golayaasha deeganka ee cusub ee ay soo dooranayaan.