Wasaaradda Duulista Oo Rakaabka Madaarada Ka Dhoofaya Ku Soo Rogtay 10 Dollar Oo Ay Shirkadaha Diyaaradaha Ku Amartay Inay Qasab Kaga Dhigaan

0
657

“Waxa La Farayaa Dhammaan Shirkadaha Diyaaradaha Inay Wargeliyaan Oo Ay Ogaysiiyaan Islamarkaana Ku Qasbaan Dhammaan Rakaabka Ka Dhoofaya Madaarada Ee Ka Diiwaangashan Shirkadahooda Inay Bixiyaan Lacagta”

maxamud-xashiHargeysa(Geeska)-Wasaaradda duulista iyo hawada ee Somaliland, ayaa rakaabka madaarada dalka ka dhoofaya ku soo rogtay lacag dhan Toban Dollar oo ay ku sheegtay adeega mishiino casri ah oo lagu baadho shandadaha rakaabka oo lagu soo kordhiyay madaarada dalka.

Qoraal uu agaasimaha wasaaradda duulista iyo hawada Md. Axmed Dalal Faarax, shalay u kala diray shirkadaha dhiyaaradaha, ayaa wuxuu ku sheegay in lacagtaasi aanay ahayn cashuur dawladeed balse ay tahay lacag loogu tallo galay shaqaalaha qalabkaas iyo dayactirkiisa. Qoraalkaas oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, ayaa wuxuu u qornaa sidan:

“Sida aad ka war qabtaan waxa madaarada lagu soo kordhiyay qalabka baadhista rakaabka iyo shandadaha oo casri ah kaas oo ay inoogu deeqday dawladda Ingiriiska, islamarkaana loo tababaray shaqaale dhallinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho tiradooduna dhan tahay 53 shaqaale ah kuwaasi oo lagu wareejiyay shirkadda NASHA.

Sidaa daraadeed, iyada oo aanay wakhtigan dawladu awood u lahayn inay kafaalo qaado mushaharka shaqaalaha iyo dayactirka mishiinadaas ayaa waxa la isla gartay in la saaro rakaabka isticmaalaya qalabkaas lacag dhan $ 10 (Toban Dollar), taas oo aan ahayn cashuur dawladeed hase yeeshe ujeedadeedu tahay ilaalinta iyo dayactirka mishiinadan iyo mushaharka shaqalaha ka hawlgalaya mishiinadaas.

Maadaama oo ay arrintani cusub tahay waxa la farayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha inay wargeliyaan oo ay ogaysiiyaan islamarkaana ku qasbaan dhammaan rakaabka ka dhoofaya madaarada ee ka diiwaangashan shirkadahooda inay bixiyaan lacagta adeega mishiinada iyada oo aan loo ogolaan doonin in qof aan lacagtaa bixin aan la baadhi doonin shandadiisa taas oo noqonaysa in qofkii aan shandadiisa la baadhin aanu ka dhoofi Karin madaarada, taas oo bilaabmi doonta maalinta salaasada ee ay bishu tahay 10th July 2012.

Haddaba, iyadoo arrintani kor u qaadi doonta sumcadda iyo heerka nabadgelyo ee maaarada waxa la idinku adkaynayaa inaad fulisaan lacagta aan kor ku soo xusnay.”

Inkastoo qalabka baadhitaanka shandadaha ee madaarka lagu soo kordhiyay oo uu Ingiriisku ugu deeqay Somaliland  uu yahay mid muhiim ah oo sugaya ammaanka garoomada Somaliland, haddana waxa ay lacagtan la dul dhigay dadka rakaabka ah ku tahay culays, waxaanay qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha oo Geeska Afrika u waramay ku tilmaameen talaabo culays ku ah rakaabka. Golaha wakiilada ayaa hore wasaaradda duulista iyo hawada ugu ansixiyay lacag dhan $ 3 (Saddex Dollar), oo laga qaado dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya, waxaanay wasaaradu wakhtigaas sheegtay in lacagtaas lagu dabooli doono baahiyo ay ka mid yihiin nadaafadda, dayactirka dhismayaasha, dayactirka dhabada garoomada, sugidda ammaanka, xoolo celinta, dhiraynta garoomada iyo qalabaynta iyo qurxinta madaarada. Sida halkaas ka muuqata lacagtaas saddexda dollar dhan waxa baahiyaha loogu tallo galay in lagu daboolo ka mid ah sugitaanka ammaanka garoomada.