Walbahaarka Iyo Warwarka Badani Waxa Ay Gabadha Ku Keenaan Cudurka Lafaha Burburiya Ee Osteoporosis

0
1343

Roma (Geeska)- Cilmibaadhis nooceedu cusub yahay ayaa daahfurtay in warwarka iyo xaaladaha walaaca ahi ay kor u qaadaan khatarta ah in gabadha uu ku dhaco cudurka lafa-burburiya. Waxa ay culimadu sheegeen in gabadhu marka ay gaadha da’da caado goyska, da’deeduna dhinaca gabowga u janjeedhsato in cufnaantii lafaheedu ay si xawli ah hoos ugu dhacdo, sidaa awgeedna ay lafuhu noqdaan kuwo si intii hore oo dhan ka badan u nugul in ay jabaan iyo in uu ku dhaco cudurka lafa-xombooboshka keena ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Osteoporosis’.

Sababta ugu weyn ee gabadhu ay cudurkan ugaga nugushay ninka ayaa ay culimadu ku sheegeen hormoonka dhedigga ee Istaroojiin ‘Estrogen’ oo si aad ah hoos ugu dhaca isla marka ay gabadhu gaadho da’da caadadu ku joogsato. Hoos u dhacaas hormoonka ‘Estrogen’ ayaa hoos u dhiga cufnaanta iyo adayga is-haysashada lafaha. Haddaba iyada oo intaas hore loo ogaa ayaa ay cilmibaadhis cusub oo dhowaan lagu sameeyey dalka Talyaanigu ay daahfurtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo xaaladda nafsiga ah, gaar ahaan warwarka gabadha ku dhaca iyo cudurkan lafa-xombooboshka ‘Osteoporosis’.

Dr. Antonio Catalano oo ka tirsan cisbitaal jaamacadeedka lagu sameeyey cilmibaadhistan oo ku yaalla magaalada Messina ee koonfurta Talyaaniga ayaa sheegay in gabadha xaaladaha nafsiga ah ee adag maraysa, sida warwarka iyo walaaca badan ay u dhowdahay in ay balwado aan fiicnayn bilowdo, ama in nidaamka cunto iyo nooca cunto ee ay qaadanaysaa uu noqdo mid aanay muhiimad siinin taas oo caafimaad darro weyn u soo jiidi karta. Laakiin intaasba waxaa ka sii khatar badan, in raadadka taban ee ka imanaya hormoonnada ku yimaadda culayska nafsiga ahi ay lafaha ku keenaan khataro badan oo ay ka mid tahay in ay si fudud u jabi karaan.

Ka hortagga da’da caado goyska

Dhinaca kalana waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in gabadhu ay awoodi karto in ay waqti badan dib u dhigto da’da caado goyska. Waxaa ka mid ah in ay cunto kalluunka dufanka leh iyo beedka, oo labaduba arrintaas aad u caawinaya, sida lagu ogaaday cilmibaadhis soo baxday sannadkii 2017 ka.

Waxaa iyaduna muhiim ah in gabadhu ay kordhiso Faytamiin ‘D’ ga iyada oo raadsanaysa cuntooyinka iyo cunto dhammaystirayaasha (Dawooyinka), tallaabooyinkaas oo haddii ay gabadhu qaaddo la ogyahay in ay ugu yaraan boqolkiiba 17 hoos u dhigayaan khatarta ah in uu gabadha ku dhaco cudurka lafaha burburiyaa. Waxa kale oo xusid mudan in Faytamiinka ‘D’ uu dib u riixo gabowga ogxaanta ku dhaca.

Waxaa la sheegayaa in boqolkiiba 10 haweenka dunida ka mid ahi ay da’da caado goyska gaadhaan iyaga oo weli ka yar da’da 45 jirka, taas oo iyaduna ah sabab kale oo kor u qaadaysa khatarta ah in ay badato tirada dumarka uu ku dhacayo cudurka lafaha burburinaya ee ‘Osteoporosis’ iyo wadne xanuunka.

Ugu dambayntii warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail waxa ay sheegtay in culimadu ay sheegeen in ilayska qorraxdu uu yahay isha dabiiciga ah ee ugu muhiimsan ee laga heli karo Faytamiin ‘D’ oo yareeya khatarta caado goyska waqtigiisa ka soo horreeyaa. Laakiin ilaha kale ee dabiiciga ah ee laga helana waxaa ka mid ah beedka intiisa huruudda ah iyo kalluunka dufanka leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here