Wakiilkii Uu Madaxweynuhu U Magacaabay Konfurta Sudan Oo Sagaal Bilood Ka Dib Aan Hargeysa Ka Ambo Bixin

0
628

Picture5Hargeysa(Geeska)-Sagaal bilood ayaa ka soo wareegtay maalintii uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay wakiilka Somaliland ee dalka Koonfurta Suudaan, laakiin wakiilkaas ayaa sagaal bilood ka dib aan weli Hargeysa ka ambo bixin.

14 March 2012, ayuu Madaxweynuhu Mr. Axmed Xuseen Oomane u magacaabay inuu noqdo wakiilka Somaliland ee dalka Koonfurta Sudan. Laakiin wakiilka ayaa hawlo shaqo oo uu bilaabo iska daaye weli ku sugan magaalada Hargeysa. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in wakiilku tegi waayo dalka loo magacaabay si uu uga fuliyo danihii Somaliland, laakiin agaasimihii guud ee arrimaha dibadda iska casilay Maxamuud Raage, ayaa joogitaanka Hargeysa ee wakiil Oomane ku tilmaamay kharashkii loogu tallo galay inuu ku socdaalo, xafiisna ku furto oo la lunsaday.

Wakiil Oomane, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan si uu bulshada ugu iftiimiyo sababta rasmiga ah ee uu u tegi la’yahay dalkii loo magacaabay, ayaanay noo suurtogelin. Hase yeeshe dad badan ayaa isweydiinaya sababta uu Madaxweyne Siilaanyo wakiilkan u magacaabay mar haddii 9 bilood ka dib aanu weli hawlgelin, waxaanay dadka qaarkii aaminsanyihiin  in tegi taan la’aanta Mr. Oomane ay ka mid tahay qorshe la’aan ay mucaaradku ku dhaliilaan siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Dawladda cusub ee Koonfurta Sudan ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku casuuntay munaasibadii qaranimadooda loogu wanqalay, waxaanay bulsho badani wakhtigaas is tustay inay dawladaas cusub ee Afrika ku soo biirtay gacan ka gaysan karto dhaqaajinta qadiyadda Somaliland, maadaama oo ay qaranimadooda u soo mareen dhib iyo silic badan, waxase bulshadan ka yaabiyay sida ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga gaabisay ka hawlgalka dalkas Koonfurta Sudan, oo ay dawladda Somaliya dhawaan u magacowday safiir.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale, oo intii uu xilka hayay safar ku tagay dalkaas Koonfurta Sudan oo uu kaga qayb galay shir caalami ah, ayaa qormooyinkiisa uu bulshada u soo bandhigo wuxuu ku tilmaamay sida ay dawladda Koonfurta Sudan u raadinayso cid Somaliland ka socota oo ay aad u xiisaynayaan.