“Hadaan Dalka Cadaalad Lagu Dhiqin, Oo Aan Qaraabo-kiilka La Joojin, Anagu Xamar Tagi Mayno, Adiguna Ladimaysid, Madaxtoyadana Nabad Lagu Seexan Maayo” Shacbiguna Waa Uu Kaci Doonaa”

1
4079

Picture6Hargaysa( Geeska )- Guddoomiyaha xisbiga mucaararka ah ee UCID Egn.Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag xukuumada ugu naqdiyay inay ku dhaqanto eex, qaraabo kiil iyo cadaalad daro baahsan, isaga oo sheegay in guud ahaan dalka ay ka jiraan tabashooyin is biirsaday.

Guddoomiye Faysal waxa uu sidoo kale ku tilmaamay falalka ay ku kaceen qaar kamid ah ururadii hadhay ee dalka Somaliya tagay godab ay ka galeen dalkooda, waxaanu si cad ugu sheegay in aan lagu kacin falal qaranka duminaaya marka cadaalad daro la tirsado.

Gudoomiyaha  xisbiga mucaararka ah ee UCID Egn.Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ku sheegay mar uu shalay la hadlaayay taageerayaasha UCID ee magaalada Hargaysa, iyadoo ay shalay ahayd maalintii uu ololaha doorashada u lahaa xisbiga UCID. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Ururadii dhacay, saddex kamid ah gudoomiyayaashoodii oo uu ka mid yahay Damal,Gurmad iyo inantii Foosiya saddexduba Xamarbay ka degeen oo cadaalad daro ayay tirsadeen, oo waxay yidhaadeen waa lana  reebay, haddii cadaalad daro la sameeyo qaran dumis laguma jawaabo ee wax kale ayaa la sameeyaa, ee maaha haddii maamulka Siilaanyo I qaribay Somaliland ayaan burburinayaa, shacbiga Somaliland godab lagma galo. Waxay inagu tahay sharaf dhac iyo magac xumo arintaas dhacday, shacbiga Somalilandna waanu uga tacsiyaynaynaa.”

Faysal Cali isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xukuumadda ku dhaliilay cadaalad daro “ Dawladana waxaan leeyahay hadday cadaalad daro dhacdo, waad maqlaysay dadkii ka hadlaayay galbeedka Somaliland ee beelaha Salal iyo Awdal, hore waad u maqlayseen bari oo ka hadlaayay, beelaha dhaxe qudhooda guux weyn ayaa ku jira, haddaan dalka cadaalad lagu samayn, oo aan qabyaalada laga joojin, oo qaraaba kiilka iyo sharci darada laga joojin, anagu Xamart agi mayno oo  dalbaanu nahaye , dee adiguna ladimaysid, dalkuna nabadku noolaan maayo, madaxtooyadana nabad loo seexan maayo, shacbiguna waa uu kici doonaa.”

Ugu Danbayntii Gudoomiye Faysal waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “ Shacbiga waxaan leenahay cadaalad daro,qabyaalad,jujuub iyo iska xidh  waa waxaynu ka dagaalanay, halaga joojiyo caga juglaynta iyo xumaanta dadku sheeganayo, shaqo la’aan, biyo la’aanta  iyo caafimaad xumada wax halaga qabto, haddii qofuun wax lala-doono oo aan shacbiga wax lala-doonin waxay noqonaysaa in dalku inaga xumaado, waa  in danta guud loo soo jeestaa.”

Hadalka Faysal Cali Waraabe, ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii ay xildhibaanada Guurtida iyo wakiilada ee gobalada Awdal iyo Selel ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliileen cadaalad darro dhinaca kuraasita iyo xilalka ah.

Comments are closed.