Gacan Ku Dhiiglihii Ragga Ku Laayay Degmada Oog Oo La Qabtay, Laguna Wareejiyay Dawladda Somaliland

1
572

Picture4Hargeysa(Geeska)-Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkii dhowaan labada qof ku dilay degmada Oog, kuna wareejiyeen gacanta dawladda, waxaanu sheegay inay si gaar ah u tacsiyayn doonaan reerka ay labada marxuum ee la dilay ka soo jeedeen.

Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed oo ka hadlaya qabashada gacan-ku-dhiiglahii dilka ka geystay Oog ayaa isagoo la hadlayay Geeska Afrika yidhi, “Adeer ninkaasi fal xun ayuu geystay annaga iyo reerkii dhibku gaadhayba ku xun, meel nabad taalo ayuu burburiyey, dabadeedna waxuu galay buurta Buur-dhaab. Halkaa ayaan ka daba galnay, ninkaa waanu qabanay saaka (Shalay), gacantaa lagu hayaa. Salaadiintii galbeed nagaga timi, iyo madaxdii Gobolka ceeldhaab ayaan ku kulanay. Go’aan wanaagsana waanu isla gaadhnay.  Waxa la isla qaatay in dhinacayagii iyo reerkii kale iyo xukuumada la isku yimaado. Reerka la yidhaahdo Hayaag, ee Ceegaag degan si gaar ah ayaan u tacsiyadeyn doonaa.”

Mar la weydiiyey Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed, halka uu ku sugan yahay ninkii dilka geystay ayaa sheegay, “Denbiilahii gacanta dawlada ayaan ku wareejinay. Waxaanan dhowaan filaynaa in dhinacyadu isu yimaadaan, oo xukuumada ayaan ka sugaynaa inay wasiiro yimaadaan, annaguna ilaa maanta [shalay] iyo berri [maanta] sii wadno jilcinteed, si laysugu soo gaadho”

Ugu danbayn, Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed oo talooyin u soo jeediyey guud ahaan shacabka Somalilan diyo xukuumada sheegay, “Nabad baa inoo taal. Beelaha aan walaalaha nahayna (Dhulbahante) nabad fiican oo muskiladihii hore in laga bogsado ayaa inoo yaal. Waxaan ku talinayaa in nabbada la adkeeyo, si walaalnimo ahna waxii dhinac walba ku maqan loo kala gurto. Xukuumaduna waxii loo baahan yahay ee gudato.

Hargeysa(Geeska)-Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkii dhowaan labada qof ku dilay degmada Oog, kuna wareejiyeen gacanta dawladda, waxaanu sheegay inay si gaar ah u tacsiyayn doonaan reerka ay labada marxuum ee la dilay ka soo jeedeen.

Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed oo ka hadlaya qabashada gacan-ku-dhiiglahii dilka ka geystay Oog ayaa isagoo la hadlayay Geeska Afrika yidhi, “Adeer ninkaasi fal xun ayuu geystay annaga iyo reerkii dhibku gaadhayba ku xun, meel nabad taalo ayuu burburiyey, dabadeedna waxuu galay buurta Buur-dhaab. Halkaa ayaan ka daba galnay, ninkaa waanu qabanay saaka (Shalay), gacantaa lagu hayaa. Salaadiintii galbeed nagaga timi, iyo madaxdii Gobolka ceeldhaab ayaan ku kulanay. Go’aan wanaagsana waanu isla gaadhnay.  Waxa la isla qaatay in dhinacayagii iyo reerkii kale iyo xukuumada la isku yimaado. Reerka la yidhaahdo Hayaag, ee Ceegaag degan si gaar ah ayaan u tacsiyadeyn doonaa.”

Mar la weydiiyey Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed, halka uu ku sugan yahay ninkii dilka geystay ayaa sheegay, “Denbiilahii gacanta dawlada ayaan ku wareejinay. Waxaanan dhowaan filaynaa in dhinacyadu isu yimaadaan, oo xukuumada ayaan ka sugaynaa inay wasiiro yimaadaan, annaguna ilaa maanta [shalay] iyo berri [maanta] sii wadno jilcinteed, si laysugu soo gaadho”

Ugu danbayn, Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed oo talooyin u soo jeediyey guud ahaan shacabka Somalilan diyo xukuumada sheegay, “Nabad baa inoo taal. Beelaha aan walaalaha nahayna (Dhulbahante) nabad fiican oo muskiladihii hore in laga bogsado ayaa inoo yaal. Waxaan ku talinayaa in nabbada la adkeeyo, si walaalnimo ahna waxii dhinac walba ku maqan loo kala gurto. Xukuumaduna waxii loo baahan yahay ee gudato.

Comments are closed.