Wakiilka Somaliland Ee UK Oo Beeniyay Qoraal Laga Baahiyay Wasiirka Khaarajiga

0
767

Picture4Hargeysa(Geeska)- Wakiilka Somaliland u qaabilsan  waddanka UK Cali Aaden Cawaale  ayaa beeniyey War laga baahiyey Wasiirka Arrimaha dibada oo sheegay in Bogga Twitterka ee wasiirka lagu baahiyey xaalada Caafimad ee Madaxweynaha, waxanu sheegay in warkaasi aanu sal iyo raadtoona lahayn.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Facebook, Waxanu yidhi. “Qoraal been abuur ah oo lala xidhiidhiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Waxa jiray qoraal facebook la soo dhigay xalay oo sheegaya inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland mudane Maxamed Bixi Yonis bog uu ku leeyahay twitter-ka soo dhigay farriin ka hadlaysa caafimaadka Madaxweynaha Somaliland. Haddaba waxan mar dhoweyd la xidhiidhay Wasiirka oo aan weydiiyey arrintaas waxanu Wasiirku ii xaqiijieyey inaanay jirin wax farriin ah oo uu diray, isla markaana aanu lahayn Twitter account-ka la leeyahay waa lagu soo qoray warkan aan sal iyo raad toona lahayn.”