Hargeysa: Tuugta Oo Soo Badatay Iyo Halista Ay Dadka Shacabka Ah Ku Hayaan

0
678

Picture3Hargeysa (Geeska)-Magaalada Hargeysa oo ah Caasimadda Somaliland, ayaa waxa muddooyinkan dambe ku soo badnaaya Tuugta kala duwan oo dhac, dhaawac, boob iyo falal kala duwan u geysanaya Bulshada.

Tuugtan oo xeelado iyo farsamooyin kala duwan isticmaala, ayaa inta badan waxa ay dadka  ku dilaan ama waxyeelo ku gaadhsiiyaan Telefoonka Gacanta ee Mobilka,oo nolosha Qofku ay kala qiimo badantahay, iyada oo dadka inta badan ay ka ugaadhsadaan meelo kala duwan, una gaala meelaha madaw, halka Tuugta qaar hadhka cad ay Suuqyada dadka ku baadhaan, isla markaana Mobilada kaga qaadan.

Safiya Cabdilaahi Cali oo ah Inan Dhalinyaro ah oo Nin Tuugi ahi kaga qaaday Shalay Suuqa Mobil, iyada oo ku hadlaysa, ayaa mar aanu arintaas wax ka weydiinay tidhi “Aniga oo Suuqa maraya ayuu Mobilku ugu soo dhacay, kadibna markii aan dhegta saaray, ayaa si deg deg ah Nin Tuug ahi iga dhuftay, uuna cararay, waan ka daba qeyliyey, Toori ayuu sitay, laakiin markiiba Rag ayuu ILLAAHAY ii bixay oo iga qaaday Mobilkii iga qaaday, isagiina waa isku jabiyey oo waa xidhay”.

Nin kale ayaa isna habeen dhawayd gabadh dhallinyaro ah isku dayay inuu kala cararo shandad ay sidatay, laakiin koox dhallinyaro ah ayaa markiba gacanta ku dhigay, waxaanay gacanta ka geliyeen Booliska.

Cabdixakiim Maxamed  oo ah Macalin wax ka dhiga Jaamacada Hargeysa oo ay isagana dhawaan Tuugi dhaawac u geysteen, Faashna kaga dhuftay Gacanta ayaa isagu sheegay in Mobil tartii ay u dili gaadheen dhaawacna u soo gaadhsiiyeen, waxaanu yidhi “Anigu waxa aan deganahay New Hargeysa, aniga oo Gurigayga u jira dhawr talaabo, ayaa si deg deg ah koox dhalinyaro ah ay igu yidhaahdeen Mobilkaaga dhulka dhig, waan u dhigay, balse markiiba Faash ayey gacanta igaga dhufteen, dhawr iyo sodon qodob ayaa la I tolay, oo xitaa Faraha hore ayaa  la jari  gaadhay, Mobil dartii ayeyna nafta ii dhaafin gaadheen”. Dhinaca kale waxa jira in Tuugtan ku soo badanaya Magaalada Hargeysa ay inta badan u badan yihiin dhalinyaro, kooxo ah, oo siyaabo kale duwan dadka u baadha, marka ay dadka qabtaana  ku odhanaya ama Naftaada ama Mobilkaaga miduun dooro, iyaga oo Nafta dhan ee Qofku uu kala qiimo roonaday Mobilku, halka dadka aan sidan  Mobil aan ahayn kuwa qaaliga ah ama bilaa Mobil ah ay iyana xitaa waxyeelo u geystaan oo ay ku yidhaahdaan “Maxaad u soo qaadan weyday Mobil ama Mobil hagaagsan”.  Dhanka kale waxa jira in dad kala duwan oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay dhaawacyo ugu geysteen Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Suuqa, taas oo dadkaas la geeyey Cusbitaalada kala duwan ee Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale tuugta ayaa dhawaanahan ku soo badatay u dhicitaanka guryaha iyagoo ka faa’iidaysanaya dabayl xagaaga oo aan habeenkii la kala garan karin sanqdhaha dabaysha iyo sanqadhaha kale.