Wafti uu hor-kacayo wasiir Duur oo ka qayb geli doona kulan lagu qabanayo dalka Sweden iyo ajandayaasha shirkaas oo uu Geeska Afrika helay

1
1062

xilduur-342x417Hargeysa (Geeska)- Bilowga bisha foodda innagu soo haysa ee Juun 2012 waxaa dalka Sweden lagu qabanayaa kulan lagaga arrinsanayo arrimaha amniga iyo horumarka ee gobolka Geeska Afrika, waxaana ka soo qayb galaya aqoonyahanno iyo ergey ka kala socota Soomaalida oo ay ku jirto Somaliland.

Sida ku cad ajandaha shirkaas oo uu wargeyska Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay, ujeedada guud ee kulankaas ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo heli lahaa madal kulmisa jilayaasha ugu muhiimsan dhinaca nabadda iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, iyo sidii xaaladda xanuunka badan iyo rabshadaha ka jira Geeska Afrika loogu soo jeediyo indhaha rayul caamka Sweden iyo qaybaha bulshada caalamka ee arrimaha Soomaaliya ku lugta leh. Ajanadaha kulankan waxaa lagu yidhi, “Ujeedada shirkani waa in la xoojiyo fahamka daneeyeyaasha iyo bulshada caalamka ee ku aaddan qadiyadaha murugsan ee la xidhiidha dagaallada iyo khilaafaadka Geeska Afrika, iyada oo daneeyeyaasha Geeska Afrika lagu dhiirrigelinayo in ay si firfircoon oo wacad oofin iyo hawlqabad leh u taageeraan hannaanka nabadeed ee maxalliga ah…”

Shirkan oo magaalada Lund ka furmi doona jimcaha Juun 8, waxaa shir guddoon ka noqon doona laba xubnood oo ajaanib ah iyo Dr. Shukria Diini oo ah haweenay Soomaaliyeed oo ka tirsan jaamaacadda York University ee dalka Canada, xubinna ka ah guddi loogu yeedho guddida khubarada dastuurka dawladda ku-meel-gaadhka ah. Furitaanka shirkan waxaa hadallo ka jeedin doona Ambassador Marika Fahlen oo ah ergeyga gaarka ah wasaaradda arrimaha dibadda Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga, agaasimaha urur-goboleedka IGAD Eng. Maxbuub Macallim. Waxaa isaguna halkaa hadal ku lahaan doona wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti Xasan Dharaar Hufane in kasta oo ay qaban qaabiyeyaasha shirku sheegeen in marti-qaadka ka soo qayb galka kulanka oo dalka Jabuuti loo diray aanay weli ka haynin jawaab rasmiya oo ay ku aqbaleen.

Sidoo kale qaybaha kala duwan iyo doodaha shirkan waxaa ka qayb geli doona hadallana ku leh, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Somalia Cabdisamad Macallin Maxamed Sheekh, duqa magaalada Muqdisho Maxamed Nuur, xubno aqoonyahan ah oo uu ka mid yahay, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. Afyare Cilmi oo wax ka dhiga jaamacad Qatar ku taalla, labadan nin oo caan ku ah aragti qallafsan oo ay kaga soo horjeedaa gooni isu-taagga Somaliland.

Saddexda maalmood ee uu shirkani socdo, waxaa si joogto ah loo soo bandhigi doonaa dhaqannada dalalka Geeska Afrika iyada oo Somaliland soo bandhigidda dhaqanka qayb ka ahaan doonto Soomaaliya.

Kulankan oo ay maalgelinayso hay’ad lagu magacaabo UNA-Sweden, ayaa gebogebada maalinta furitaanka waxaa wufuudda soo-dhoweyn ku qaabili doona haweenayda duqa ka ah magaalada Lund oo lagu magacaabo Annika Annerby,

Dhinaca xukuumadda Somaliland weli kama uu soo bixin war rasmiya oo ku saabsan shirkan iyo ka qaybgalkiisu, laakiin qaban qaabiyeyaasha shirku sida ay ku caddeeyeen ajanadaha iyo qoraallada shirka hortii, waxaa ka qayb gelaya wafti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isagu kelmadda Somaliland ka jeedin doona kulanka, Xoghayaha guud ee golaha Guurtida Somaliland, Cabdillaahi Ibraahim Habane oo ka hadli doona mawduuc la xidhiidha duruusta ay tahay in Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika ay ka bartaan hannaankii nabadeed ee Somaliland ku xasishay, iyo Dr. Xasan Cabdi Aadan oo ah guddoomiyaha guddida sharciga Somaliland, oo isna ka hadli doona doorashooyinka Dimuqraadiga ah ee Somaliland.

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa intii ay talada haysay ka qayb gashay kulamo badan oo khuseeya dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, taas oo ay fasax uga qaateen golaha baarlamanka, in kasta oo ay xukuumadu  sheegto in kulannada noocan ah ay ku xidhayaan shardi ah in lagu qaabilo meeqaam dawladnimo, waxaa ay dad badani su’aal ka keeni karaan sababta Somaliland loogu dari waayey shir-guddoonka shirkan ka qabsoomi doona dalka Sweden maadaama oo dhinaca Soomaaliya xubin loogu daray.

Comments are closed.