Hubka Ay Ku Dagaalamaan Xuutiyiinta Yemen Oo La Sheegay In Soomaaliya La Sii Dhex-mariyo

0
626

Hargeysa (Geeska) – Koox Soomaali ah ayaa la sheegay in ay gudbiyaan hubka Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yemen oo laga keeno waddanka Iiraan sida laga soo xigtay ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo The Global Initiative.

Hubkan ayaa la sheegay in la sii mariyo xeebaha Bari ee Soomaaliya, waxaana kala gudbisa koox Soomaali ah.

Bishii Juun ee sannadkan 2020, markab lagu magacaabo Al Bar 2, ayay ciidamada badda Sucuudigu qabteen, waxaana lagu soo warramayaa in uu siday shixnad hub ah oo uu ka soo qaaday gacanka Iraan, kuna wajahneyd maleeshiyaadka Xutiiyiinta.

“Baadhitaanka ururka Global Initiative uu ku sameeyay markabka Al Bar 2, waxaa lagu ogaaday in shabakaddii ugu horreysay oo ku howlan ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee uu fadhigeedu yahay Soomaaliya ay ku lug leedahay hubka u kala gudbaya Iraan iyo Xuutiyiinta”, ayaa lagu yidhi qoraalka.

Baadhitaanka noocan ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee arintan lagu ogaado, walina ma jiro wax jawaab ah oo ay dowladda Soomaaliya ka bixisan arintan.

Geeska.net/Hargeisa Office