Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Xuduudaha Ilaaliso, Inta Ay Xisbiyada Eegayso

29
587

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade,ayaa canbaareeyay ololaha ay musharaxiinta Puntland ku soo gaadheen deegaanada Somaliland.

Waxaanu xukuumadda ku eedeeyay xilgudasho la’aan iyo in ay xisbiyada mucaaradka ah ku mashuulsantay isla markaasna ay ilaawday xuduudii dalka.

Waxa uu sidan xoghaye Uurcade ku sheegay mar uu si  gaar ah ula hadlaayay wargeyska Geeska Afrika,  waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Hadaanu nahay xisbiga Waddani waxaanu canbaaraynaynaa imaanshaha musharaxiinta Puntland ay yimaadeen dhulka Somaliland ee ay Badhan ka midka tahay,maanta waxaan filaynay in doorashadan soo socotaa ay ka dhacdo Badhan, laakin waa nasiib daro in Puntland ay maanta ka ololaynayso Somaliland gudaheeda, dawlada Somalilandna ay daawanyso iyada oo aynu ognahay in ciidamaddeeniina ay halkaas joogaan, waxaana muuqata in aanay xukuumaadani aanay doonayan inay xuduudaha Somaliland sugto, waana mid aanu canbaaraynayno oo aanu u aragno xil gudasho la’aan markaanu eegno waxa ka socda Badhan iyo Taleexba.Waxaanay xukuumaddu wakhtigeedii oo dhan ku bixisay xaalad abuur,xisbiyadda mucaaradka oo ay u diidayso gobalada qaarkood iyo cabudhinta saxaafada.”

 

Comments are closed.