Booliska Oo Mar Labaad Shalay La Wareegay Xarunta Wargeyska Hubaal

10
659

Picture5Hargeysa (Geeska) – Ciidamada ammaanka ee loo yaqaano RRU-da, ayaa xidhay laba xubnood oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Wargeyska Madaxa-banaan ee Hubaal, ka dib markii ay makhribkii shalay ku qaadeen hawl-gal ay ku galalafeen, waxaanay la wareegeen xaruntii wargeyska.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada RRU-da oo wata afar baabuur ay si xoog ah ku galeen xarunta Wargeyska Hubaal oo ku taala xaafadda Goljano ee Magaalada Hargeysa, ka dibna qaateen wixii qalab ahaa ee halkaasi yaalay, sida Koombuutaradii iyo agabkii kale ee halkaasi yaalay, kaxaysteena laba ka mid ah shaqaalaha Wargeyska.

Ciidamada hawl-galka ku fuliyey Wargeyska Hubaal, oo baadi goobayey Masuuliyiinta Wargeyskaasi oo taliska Booliska Somaliland, doraad ku eedeeyay inay warar aan jirin ka baahiyeen, ayaanay ciidamadu ku guulaysan inay helaan, maadaama oo aanay xiligaasi joogin xafiiska.

Hawl-galkan ciidamada RRU-du ku qabsadeen xarunta Wargeyska Hubaal, ayaaanay ciidamada Booliska iyo xukuumadu wax war ah ka soo saarin.

 

Comments are closed.