Maraykanka Iyo Kenya Oo Isku Maandhaafsan Halka Ay Ku Dambeeyen Ragii Westgate Weeray

21
724

Picture3Nayrobi(Geeska)-Dawladaha Maraykanka iyo Kenya ayaa si weyn isugu khilaafksan halka ay ku dambeeyeen raggii hubaysnaa ee weeraray suuqa westgate. Maraykanka ayaa aaminsan inay raggaasi baxsadeen, halka Kenya ay ku doodayso inay dhinteen.

Booliska magaalada New York ee waddanka Maraykanka ayaa Arbacadii shaaciyay inay u badantahay inay baxsadeen afartii nin ee qaaday weerarkii Westgate, islamarkaana dilay ilaa 67 ruux.

Booliska magaalada New York waxay sheegeen inay warbixintooda ku saleeyeen macluumaad sirdoon ah oo ay heleen. Hase yeeshe saraakisha amniga ee  Kenya ayaa soo saaray warbixin lid ku ah  hadalkaas dowlada Mareynkanka. Maj Emmanuel Chirchir , ayaa yidhi “Waxaan xaqiijinayna si cad inay geeriyoodeen kooxihii weeraray Westgate, waxay ahaayeen afar ruux oo hubeysan, dhamaantood waa dhinteen.”

Isla maalmihii uu dhacay weerarkii westgate ayaa warbaahinta Kenya waxay sheegtay suurtogalnimada inay kooxihii weerarka fuliyay ka baxeen bulaacad, laakiin Booliska Kenya ayaa beeniyay jiritaanka warkaas.

Ka sakow warka Booliska Maraykanka, dawladda Kenya ayaa fadeexad kala kulantay sidii ay u maaraysay weerarkaas. Xataa waxa muuqaalo ka soo baxay ciidamadii Kenya ee gurmadka loo diray oo bililiqo ku mashquulsan.

 

Comments are closed.