Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay sida Xukuumaddu ugu diyaar-garoobayso ka hor-tagga Cudurka Covid_19 ee dunida khatarta badan ku haya xilligan.
Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilay habka Dawladdu ugu diyaar-garoobayso ka hor-tagga Cudurka “Wer-wer aad u weynaa ayaa ka muuqda, sida illlaa hadda Xukuumaddu ila macaamilayso (u diyaar-garowga ka hor-tagga) Coronavirus.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xukuumaddu waxay soo saartay Go’aano aynu kuligeen wada taageernay, shacabkuna uu soo wada dhaweeyay, laakiin iskuulladii oo la fasaxay mooyaane go’aannadii kale sidii la rabay weli uma fulin. Arrimaha qaar haddii aad ku fashilanto waad ka soo kaban kartaa oo dhibaato malaha, laakiin haddaynu diyaar-garowga khaladno oo khatartu siday tahay u arki wayno oo sida ay tahay inaynu uga diyaar-garowno aynu uga diyaar-garoobi wayno way adag tahay inaynu ka soo kabano.”
Xoghayuhu wuxuu sheegay inay Xisbi ahaan joojiyeen Shirarkii uu Xisbigu yeelan jiray “Annagu Maanta laga bilaabo (Shalay) waxaanu hakinay Shirarkii uu Xisbigu yeelan jiray oo dhan, Shirarkii fulinta waanu hakinay, Waayo? Waxyaabaha xanuunkani ku faafayo waxa ka mid ah isku imaanshiyaha, Shirarkii Khamiisaha ee Haweenka Xisbigu isugu iman jireen, kuwii ay dhallinyaradu isugu iman jireen waanu hakinay, dhammaan Xarumaha Xisbigu leeyahay ee Gobollada ka jirana shaqadoodii waanu hakinay, waxa shaqayn doonta Xarunta dhexe oo keliya, halkaas oo iyadana ay joogi doonaan shaqaale yar oo aan shaqada looga maarmayn iyo xubno kooban oo Hoggaanka Xisbiga ka mid ah, inta kale ee Xisbiga ka midka ah waanu fasaxnay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Xukuumadda u soo jeediyey Talooyin la xidhiidha sida looga gaashan karo Corona “Waxaanu Xukuumadda iyo Shacabka u soo jeedinaynaa Talooyin guud:- “Xukuumadda waxa la gudboon inay Maalin kasta Dadka War siiso, Waayo? Xukuumadaha dunida markaad eegto Xukuumad walba Maalin walba Dadkeeda War bay siinaysaa, markaa waa inay uga warranto halkay wax marayaan, waxay qabteen iyo hawlaha ay ku jiraan, Waayo? Ku celcelinta lagu celcelinayaa waxay Dadka fahamsiinaysaa khatarta Xanuunka, waxaanu soo jeedinaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo diyaaradda Ethiopian Airlines, Ethiopian Airlines aqoonsi ma siddo, waxa laga yaabaa inay Covid_19 inoo siddo, dawladdu waa inay sheegtaa kharash cayiman oo ay ugu talo-gashay Xanuunkan la dagaalankiisa iyo Kharashkaa siday u isticmaalayso. Waxaynu u baahan nahay Qalab Caafimaad maxaa inoo yaalla, maxaa inoo soo socda Qalab Caafimaad oo Xukuumaddu inoo dirtay, Xukuumaddu waa inay sheegtaa halkay ku yaallaan Xarumaha Dadka lagu karantiilayo, dadka Danyarta ah sidee loo taageerayaa, waxa jira Dad badan oo danyar ah oo Xanuunkan Walaac ka qaba.”
Ugu dambayn, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI wuxuu farriin u diray Shacabka reer Somaliland, waxaanu u soo jeediyey inay u hoggaansamaan Awaamiirta Guddiga ka hor-tagga Corona “Waa inaynu Xukuumaddan u hoggaansano oo aynu aqbalno oo aynu dhegaysano, Tallooyinka ay soo jeediyaan iyo waxyaabaha ay kaga hadlayaan ee Xanuunka ku saabsan. Waxa muhiim ah inaynu guryaha joogno marka aynaan dan muhiim ah u soo baxaynin..” ayuu yidhi.