Labada Xaram Ee Kacbada Iyo Masjidka Nebiga (SCW) Oo Cidlo U Noqday Iyo Imaamka Oo U Adkaysan Waayey

0
7115

Muddo ka badan kun iyo Afar boqol oo sano, taariikhda Islaamka dhif ayaa ay dhacday sida hadda taagan, in Masaajidda barakaysan ee kacbada Maka iyo masjidka Nebi Muxamed ee Maddiina aanu maalin dhan aanu hal qof salaad ku tukan. Jimcihii toddobaadkanna waxaa la arkayey dad lagu qiyaasay tobaneeye u badan masuuliyiinta iyo shaqaalaha xaramka iyo imaamka masaajidka oo tukanaya, xilli aanay cid kale cibaado u joogin. Arrintan oo argagax ku abuurtay dadkan iyo imaamka oo hadda ka hor tobannaan kun oo qof masaajidkan ku tukin jiray. Waxa aanay sababtay in imaamka oo arrintan ka qiiraysani uu si aad ah ugu dhex ooyo salaadda.

Dadaalka ay dawladda boqortooyada Sucuudigu ugu jirto xakamaynta xanuunka ‘Covid-19’ oo illaa hadda hal qof ku dilay dalkaas ayaa sababay in la joojiyo salaadihii jamaca ahaa iyo salaadaha jimcaha oo ay ku jirto salaadaha iyo cibaadada loo tegi jiray masaajidda xurmada leh ee Maka iyo Maddiina.

Waxa kale oo la mamnuucay in xaramka la dawaafo muddadaas, iyo in la dhex gucleeyo buuraha safa iyo Marwa, taas oo macnaheedu yahay in aanay muddadaas jirin doonin cid cimro u teeysa xaramka.

Go’aankan ayaa ay dawladdu sida oo kale ku mamnuucday in aan sidii hore u dhici jirtay masaajidka cibaado ahaan loogu negaan (Ictikaaf), iyo in aan cunto la soo gelin, iyada oo dhinaca kalana la xidhay meelihii laga cabbi jiray biyaha barakaysan ee Samsamka.

Meelaha kale ee dadka laga joojiyeyna waxaa ka mid ah booqashada qabriga nebiga iyo sida oo kale qubuuraha asxaabtii nebigu ku aasan yihiin ee Baqiic.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here