Somaliland Oo Maanta Xidhaysa Xuduudkeeda Dhulka, Dekedaha & Rakaabka Diyaaradaha Oo La Karantiilayo Dhammaantood

0
816

Hargeysa (Geeska) – Guddiga Qaran ee diyaar-garowga iyo Ka hor-tagga Cudurka dunid aaadka u faafaya ee Coronavirus, ayaa soo saaray awaamiir cusub, kuwaasi oo ka mid yihiin in la xidhayo Xuduudka Somaliland la wadaagto Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, Dawladdu waxay berri laga bilaabo la xidhayaa Dekedaha Somaliland, marka laga reebo Dekedda Berbera oo ay ka soo degi karaan Waxyaabaha daruuriga ah, sida Raashinka iyo Daawooyinka.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee diyaar-garowga iyo Ka hor-tagga Cudurka Covid_19, Cumar Cabdillaahi Bade oo sidoo kalena ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo Guddigu ku qabatay Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa mid mid u sheegaya wuxuu yidhi “Guddiga Heer-qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Xanuunka Coronavirus, ka dib markii ay qiimayn ku sameeyeen Xaaladihii u dambeeyay ee Xanuunka Coronavirus ee haleelay Dunida isla-markaana ay derseen hawlaha loogu diyaar-garoobayo, lagagana hor-tagayo Xanuunka, waxay go’aamiyeen Qodobbadan hoos ku xusan.

Bulshada Somaliland waxa lagu adkaynayaa inay ka taxadaraan halista Xanuunka  Coronavirus, raacaana farriimaha Wacyi-gelinta ah ee loogu talo-galay ka hor-tagga Xanuunka ee bahda Caafimaadku la wadaagayso  Bulshada.

Guddigu markay qiimaysay Xaaladda Rakaabka ka soo degaya Madaarka Cigaal ee Hargeysa waxay go’aamisay in dhammaan Rakaabka la socda diyaaradaha ee soo galaya dalka laga bilaabo maanta, muddo 14 Maalmood ah lagu haynayo Goobo gaar ah oo lagu karantinimaynayo, muddadaas oo la hubin doono Xaaladdooda Caafimaad, iyagoo Rakaabkaasina isku qabi doona kharashka ku baxaya muddada 14-ka cisho ah ee la haynayo.

Waxa la xidhay dhammaan Xuduudka dhulka ee Somaliland la leedahay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, muddo 3 Toddobaad ah oo ka bilaabmaya berri (Maanta) oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo Lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabka kala duwan ee Caafimaadka, IWM.

Waxa la xidhay dhammaan Marsooyinka Badda (Dekedaha) ee Somaliland, marka laga reebo Dekedda Berbera oo ay ka soo degi karaan Waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka Shidaalka, Dawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee Caafimaadka, IWM, laga bilaabo berri (Maanta) oo bishu tahay 26.03.2020, lixda Makhribnimo marka la gaadho.

Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda waxa lagu war-gelinayaa in shaqaalaha ay ka maarmayaan ay faraan inay ku shaqeeyaan Guryahooda, iyagoo shaqaalahaasina ku jiro doona Heegan buuxa. Arrintani ma saamaynayso Hay’adaha iyo Wasaaradaha hoos ku xusan, kuwaasi oo duruufo gaar ah awgeed looga baahan yahay inay buuxda u shaqeeyaan, Hay’adahaa iyo Wasaaradahaa waxa ka mid ah, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Shaqaalaha Madaarka Cigaal, shaqaalaha Dekedda Berbera, Shaqaalaha Waddada Ceerigaabo-Burco, Shaqaalaha Bangiyada Somaliland, shaqaalaha Dawladaha hoose.

Hay’adaha Dawladda ee u xil-saaran fulinta Go’aammada loogu diyaar-garoobayo, lagagana hor-tagayo Xanuunka Covid_19 ee guddigu soo saartay, waxa lagu war-gelinayaa inay Cid kasta oo ka dhego-adaygta hirgelinta go’aannadan ay Tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here