Waddani Oo Soo Gunaanaday Koob Ka Socday Masalaha

0
563

Hargeysa(Geeska)-Koob loo dhigay kooxaha heerka labaad iyo saddexaad ee degmada Axmed Dhagax ayaa lagu soo gunaaday garoonka Freindship ee masalaha Hargeysa.

Koobkan ayaa ahaa mid xisbiga Waddani uu dhigay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxaana soo xidhitaankiisa ka soo qaybgalay masuulyiin xisbigaas ka mid ah, waxaanu ugu horayntii halkaas ka hadlay gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhame waxaana hadaladiisa kamid ahaa "Koobkii aad ciyaarteen ee bishii Ramadaan ee soo gabogaboobayaa waxa uu ahaa koob qiimo leh oo ay ka soo qaybgaleen kooxaha heerka labaad iyo sedexaad kaas oo ay dhigeen xisbiga Waddani ee degmada Axmed Dhagax oo ah degmada uu ka dhisan yahay garoonkan FreindShip, koobkan ujeedada laydiinku qabtay waxay ahayd inaad ka heshaan is dhexgal bulsho iyo dhiirigalin inaad noqotaan mustaqablka xidigha caalamka iyo dhalinyarada caalamka lacagaha badan la kala siisto ee ciyaara kubadaha."

Siyaasiga Cabdi Haybe oo ka mid ah masuulyiinta xisbiga Waddani ayaa isaguna dhankiisa waxa uu ka hadlay muhiimada ay ciyaarahu leeyihiin iyo xisbiga Waddani waxyaabaha uu dhalinyarada ugu talo galay"Aduunka imika waxa loo shaqo tagaa ciyaaraha malaayiin ayaa lagu kala iibsanayaa dadka ciyaara, waxa laga yaabaa hadaad da'daashaan inaad mustaqbalkiina ka qaybgali doontaan dadkaa malaayiinta lagu iibsanaayo, xisbiga Waddani waxa uu ku talo jiraa hadii uu guulaysto in ciyaaraha iyo tacaliinta dhalinyarada la horumariyo, ciyaaruhu jidhay dhisaan oo caafimaadkay ka mid yihiin."

Waxa isna halkaas ka hadlay Cabdishakuur Daauud Maaweel oo ka tirsan xisbiga Waddani, waxaanu dhallinyarada ugu baaqay inay muujiyaan isku duubnaan kana dheeraadaan balwadaha.