Hargeysa(Geeska)-Labada gobol ee Maroodijeex iyo Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland ayey shalay si rasmi ah uga bilaabantay bixinta kaadhadhka codbixinta doorashada ee ay dadku ku codayn doonaan doorashada madaxtinimada dalkaas ee la qaban doono 13 Noofember 2017.
Dadweynaha ayaa hore isu diiwaangeliyay, waxaana qof waliba ka qaadan doonaa kaadhkiisa goobtii uu markii hore iska diiwaan geliyey ee uu codkiisa ka dhiiban doono maalinta doorashada.
Gobolka Maroodijeex ayaa tirada goobaha laga bixinyo kaadhadhku tahay 342 goobood, gobolka Togdheer na waxa weeye 222 goobood. Waxaanay masuuliyiinta gudida doorashooyinka Somaliland sheegeen in hawshani socod doonto saddex todobaad.
Inkastoo qaar ka mid ah goobaha caasimadda Hargeysa laga dareemayay shalay habacsanaan, haddana dadweyne tiro badan oo reer Hargeysa ah oo hore isu diiwaangeliyay ayaa shalay qaatay kaadhadhkooda cod bixinta, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay qaataan dadkii ugu badnaa ee sannadkan doorashada isaga diiwaangeliyay caasimadda Hargeysa.