“Wakhtigii Ololaha Lama Joogo Ee Xisbiyadu Ha Joojiyaan Ololaha”Dr. Cali Yuusuf Axmed

0
472

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa Xisbiyada ugu baaqay inay joojiyaan ololaha iyo dhaliilaha ay is weydaarsanayaan, waxaanu kula taliyey inay Bulshada ku wacyigeliyaan sidii ay kaadhka cod bixinta u qaadan lahaayeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay kormeer uu ku tagay Goobaha ay ka socoto kaadh qaadashadu, waxaanu Bulshada ugu baaqay inay kaadhka cod bixinta qaataan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Maanta (Shalay), waxaan kormeer ku tagay Goobo badan oo ay ka socoto kaadh qaadashadu, si fiicana wey u socotay, dadkuna wey qaadanayaan, inkasta oo ay ahayd maalintii ugu horeysay, haddana Bulshada Somaliland waxaan ku dhiirinayaa inay kaadhkooda codbixinta ee ay xaqa u leeyihiin inay ku coddeeyaan Doorashada soo socota, inay qaatan, Komishankuna si fiican bay ilaa hadda hawshooda u wadaan”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladu mar uu ka hadlaayey Xisbiyada ayaa yidhi “Hadda wakhtigii ololaha lama joogo, lamana gaadhin, waxa la qaybinayaa kaadhadhkii lagu coddeynayey, ee Xisbiyadu ha joojiyaan ololaha iyo dhaliilaha ay is weydaarsanayaan, waxa looga baahan yahay oo qudha inay Shacabka ku dhiirigeliyaan kuna wacyigeliyaan sidii ay kaadhadhka u qaadan lahaayeen”.