Waddani Oo Sheegay Inaanay Xukuumadu Keligeed Shacabka Ku Meteli Karin Wada Hadalada

0
547

Picture4Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa difaacay go’aankii xisbigoodu ku qaadacay wada hadalada Somaliland ay la galayso Somaliya.

Waxaanu ku adkaystay in masiirka shabiga Somaliland aanay xukuumaddu kaligeed ka talin karin, waxaanu afhayeenku sidaas ku sheegay mar uu la hadlaayay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “Qadiyadda Somaliland lama odhan karo xukuumaddaa u xil-saaran, waa qadiyad aanay go’aankeeda lahayn xukuumadda oo kaliya, waa qadiyad ka dhalatay dareen shacab iyo go’aan shacab, ka go’aan gaadhisteedana ay shacabku xaq u leeyihiin inay saacad saacad ula socdaan halka ay marayso”

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye iyo ciddii kale ee sidaas u hadashaaba inay tahay cid iska indho tiraysa xaqiiqada oo aan jeclayn inay runta waajahdo, qadiyadda Somaliland-na maaha wax la qarin karayo, waa qadiyad xisbiyada iyo shacabka u taala ka go’aan gaadhisteeda oo waxa lala tagayo shirkaasi ahaado wax aan madow ku jirin oo la isku wada raacsan yahay”ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.