Puntland Oo Arbacda Beri Dooranaysa Madaxweyne Iyo Magacyada Ragga Tartamaya

0
567

Picture3Garowe(Geeska)-Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa Arbacada beri u codaynaya Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi hoggaamin doona shanta sannadood ee soo socota iyo kuxigeenkiisa.

Baarlamaanka oo lagu soo xulay nidaam beeleed, ayaa ka kooban 62 xildhibaan, waxaanay cod ku dooran doonaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana ku baratamaya 21 murashax oo ay 11 ka mid ahi u tartamayaan madaxweyne, halka ay 10-ka kalena ku loolamayaan ku xigeenka. Murashixiinta waxa ka mid ah madaxweynihii hore iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdisamad Cali Shire.

Dadka siyaasadda indho-indheeya ayaa isha ku haya xaaladda amniga ee Puntland, maadaama oo aanay nabadgelyadeedu lugo adag ku taagnayn, waxaana cabsida keenaya siyaasiyiinta loolamaya oo isweydaarsanaya hadalo qalafsan. 

Murashixiinta Madaxweynaha ayaa kala ah

Cali Xaaji Warsame

Cabdiweli maxamed Cali Gaas

Cali Cabdulqaadir Yusuf

Cabdiweli Maxamuud Gurey

Shire Xaaji Faarax

Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke

Cabdullaahi Siciid Samanter

Maxamed Cabdinuur Xirsi

Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey

Cali Cabdi Awaare

Cadbiraxmaan Maxamed Faroole

Liiska kuxigeenada u sharaxan ayaa kala ah:

Gen.Cabdisamad Cali Shire

Cabdullaahi Xirsi Timacade

Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)

Maxamuud Caydiid Dirir

Daahir Khaliif Maxamuud

Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane

Maxamed Xirsi Ducaale

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar

Xuseen Xaaji Xasan