“KULMIYE Xaq Uma Laha Inuu Arinta Somaliland Iyo Somaliya Kaligii Galo”

0
594

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa qaadacay wada hadalada Somaliland ay la leedahay Somaliya,waxaanu ku tilmaamay xisbiga KULMIYE mid aan xaq u lahayn inuu ka taliyo kaligii masiirka dalka.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo shalay dalka ku soo laabtay, ayaa sida oo kale canbaareeyay xadhigii badhasaab ku xigeenkii hore ee gobalka Togdheer, isaga oo muharaadyada ka dhacay Oodweyne iyo xadhiga masuulkaasba ku tilmaamay qas uu dalku sii galaayo.Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiye Faysal isaga oo warbaahinta ugu waramaayay madaarka Hargeysa, waxaan ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya soo guryo noqoshadiisan uu yidhi “Waxaan tagay Imaaraadka oo aan hadda ka imid halkaas oo dad reer Somaliland ah oo mudakar ah ayaan kala soo tashaday dood qarameedkan, si iyaguna waxii fikrad ah ee ay ku soo biirinayaa doodaas aan ka helno, kaas ayaanu ahaa muraadka uga weyn, waanan  la soo kulamay oo talooyin badana way keeneen waanan tix galin doonaa marka doodu bilaabmato, Alle ayaa mahadlehe waanu soo nabad noqdayna.”

Gudoodmiyaha oo ka hadlaayay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxa uu yidhi“Markii la yidhi bisha sagaalkeeda shirkiibaa la tagayaa waaban la yaabay oo waxaan idhi yay la shirayaan meesha dawladiba ma jirtee, waxaana meesha ka muuqata in qoladan reer Xamarku ay farta inoogu yeedhayaan, dibaanu u dhignay, kaalaya, hadana dib ayaanu u dhignay, waanan maqlay in aan asxaabta waxna la waydiin waxna loo sheegin,taasi waxay dalkan ku keeni doontaa tafaraaruq,KULMIYE xaq uma laha inuu arinta Somaliland iyo Somaliya kaligii galo,haday taas keenaana labada xisbi ahaan waxaanu furan doonaa wada hadalado gaar noo ah oo aan naga farta naloogu yeedhayn ee aanu iyaga farta ugu yeedhi doono, haday diidaan in wax la wada yeesho oo arinta Somaliland meel layska wada taago xisbi kastaaba waxa uu xaq u yeelanayaa in uu wada hadal furo, waxaanan u arkaa iska hor imaad kale.wakhtigan xaadirka ah inaan wada hadal la’la sii wadno Somaliyaba in aanay ahayn,waayo inagibaa kala daadsan, inagiibay dawladeenu mid jilicsan tahay hogaankeenii ayaan la garanayn meel uu ka socdo iyo meel uu u socdo, waxnaan doonaynaa in aanu la shirno Waddani oo la joojiyo shirkaas ilaa inagu aynu guddaheena iska hagaajino,oo doorashooyinku inuu dhacaan oo dawlad ay inoo dhalato aqlabiyadii dadka haysata, dawladnina maaha mid ka bixi karta waayaha Somaliland iyo inay ka taliso arimaheena, tii gudaha ayay nabadgalaydeedii faraha ka baxaysaa, shacbigiibaa furfurmaaya, dhulkeeniibay dawlado kale ka jiraan markaas arin aynu Somaliya la hor fadhiisanaa maanta ma jirto.”

Ugu danbayntiina guddoomiye Faysal isaga oo ka hadlaayay arimhihii dhacay maalmii u danbeeyay waxa uu yidhi“Mudaharaadyada ka dhacay Oodweyne waxaan u arkaa inay tahay qaskii dalka oo sii kordhaaya iyo nidaam daradii oo sii socota , waxyaabaha ka soo baxaya biyaha Hargeysa waxay u baahan yihiin in la faro galiyo, waxa arintaas biyaha ka soo baxayaana wax loo dul qaadan karaayo maaha.dalkan RRU-da waxa loogu tabobaray inay argagixisada la dagaalanto, maaha in ay shacbiga ay madaxa ka toogtaan, maalintii ay dadkii Xaqsoor toogteen hadaynu kici lahayn, Hargeysana may toogteen,Oodweynana may toogteen, laakiin waxaanu leenay dawlad iska soo horaysiisa duubcas qoryo la ordaysa halkay ku danbayso waa la yaqaanaa, waanan canbaaraynaynaa xadhigii la xidhay badhasaab ku xegeenkii hore Guuleed ee gurigiisa loogu dhacay,waxay waxaas oo dhan ku tusayaan in dalkan ka tagay nidaam dawladeed oo uu ku socodo nidaam qabiil iyo kala reer reer,cago juglayn iyo dawlado isbarbar yaala oo aanad garnayan cid cid xukunta iyo cida dirtayba,taasina waxa ay keenaysaa inuu iska hor imaad buuxaa uu dhaco taas oo dalka iyo dadka midna u dan ahayn.”