WADDANI Oo Shaaciyey In Lagu Tartamayo Dhammaan Xilalka Hoggaamineed Ee Xisbiga

0
456

Hargeysa (Geeska) Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku dhawaaqay in lagu tartamayo dhammaan Xilalka Hoggaamineed ee Xisbigaasi.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga WADDANI Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay cid kasta u furan tahay inay u tartanto Xilalka kala ah Guddoomiyaha, Guddoomiye ku-xigeennada, Xoghayaha guud iyo Xoghaye ku-xigeenka Xisbigaasi.

Ismaaciil-yare oo arrimahaa faahfaahinayaana wuxuu yidhi  ““Waxaanu gaadhsiinaynaa Ciddii diyaar u ah inay isku sharraxdo Hoggaanka Xisbiga WADDANI, sida Guddoomiyaha, Guddoomiye ku-xigeennada Koowaad, labaad, Saddexaad, afraad, shanaad, Xoghayaha Guud iyo Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga, muddada aanu u qabanay inay Araajidooda soo xereeyaan bishan lixdeeda oo ay u soo gudbiyaan Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha labaad ee xisbiga WADDANI, waxayna Araajida qabashoodu xidhmaysaa 14 Maalmood ka hor Maalinta la qabanayo Shirweynaha sida uu xeerka Xisbiga WADDANI dhigayo.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office