Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida Ee Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Sababta Keentay Hawl-gallada Laascaanood Lagaga Mastaafuriyey Dadka Reer Soomaaliya

0
521

Laascaanood (Geeska) – Taliyeyaasha Ciidammada Booliska, Milletariga iyo ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kaga dhawaaqay sababta keentay Hawl-gallada Labadii Maalmood ee u dambeeyay Magaaladaasi lagaga saarayey Dadka Ajaanibka ah ee ka soo jeeda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Koonfur-galbeed ee Baydhabo Caasimadda u tahay.

Taliyaha Booliska Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), Taliyaha Ciidammada Qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo Taliyaha Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo Shalay Shir-jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in sababta Dawladdu u bilowday Hawl-galka Magaaladaasi lagaga Mastaafuriyey Dadka u dhashay Soomaaliya ay tahay in amniga Gobolka Sool si buuxda Gacanta loogu dhigo, Shacabka Magaalaadaasina sidaasi ka dalbadeen Dawladda Somaliland.

Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Muddo laga joogo Tobaneeyo Sanadood waxa Magaalada Laascaanood ka dhici jiray Dilal qorshaysan oo aan ka dhicin Dalka intiisa kale, taasi oo ahayd ama u ekayd Mashruucan ka socda Soomaaliya oo Somaliland ka nabad-qabto. Annaga oo Amniga u xil-saaran waxaanu go’aansanay inaanu annaga oo Ilaahay la kaashanayna inaanu ka suulino Kansarkaa Gobolka Sool dhex fadhiya, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ee Raggii iyo Hablihii Hal-doorka ahaa ee Magaalada u dhashay ama Somaliland oo dhanba ka koobnaa Ciddii ay doonaanba ha ahaadaane laynaya inaanu ka suulino ayaanu go’aansanay, amniga Laascaanoodna uu noqdo amniga Magaalooyinka kale ee Somaliland, taas buu Weftigani u yimid.”

Taliyaha Boolisku wuxuu sheegay “Waxaanu go’aansanay haddaanu nahay Hay’adaha Amniga si aanu gunta u gaadhno in wixii aan reer Somaliland ahayn ay Magaalada ka baxaan, iyagoo Nabad-qabana ay Dalalkoodii tagaan, taa markii aanu qaadnay Dad badan ayaa hadlay, Dad badan oo aanay ahayn shaqo u taalla ayaa Fikrado kala duwan ka bixiyey, waxaan u sheegayaa Dadkaas oo Madaxda Soomaaliya kaw ka yihiin Amniga dalkayaga Annagaa ka masuul ah, Ilaahay baa ka masuul ah, Annagaana ma masuul ah, cid aanu u daba fadhino ama wax ka waydiinaynaana ma jirto, waxaan leeyahay Qolooyinka Qayl-qaylinaya Caasimaddiina u taliya, Magaalooyinkiina u taliya, Mashruuca Xamar ka socdaa Laascaanood kama socon karo, waanu ka suulinaynaa, waanu ka tirtiraynaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sharraxay Habka Dadka looga saaray Laascaanood “Si Ixtiraam iyo Asluub ku jirto ayaa Dadkaa loo rarray, Gawaadhibaa loo kireeyay, waalla ururriyey, cuntaa la siiyey, biyo ayaa la siiyey, waalla Tiro-koobay, sidaas baa Dalkoodii lagu gaadhsiiyey, Dadka reer Laascaanoodna aad iyo aad baanu Hambalyaynaynaa, Madaxda Gobolka aad baanu u Hambalyaynaynaa, Codsigana markii hore iyagaa keenay, markii dambana way iskaaya garab taageen, shaqadii baa si wanaagsan loo qabtay.”

Taliyuhu wuxuu farriin u diray Dawladda Soomaaliya “Dawlad ku sheegta Xamar ka dhisan waxaan u sheegayaa Dadka reer Somaliland waxay is ilowsiiyaan dhibaatadii ay u geysteen, waxaan ku odhan lahaa Nabarradii aad dadka u geysateen ha xoqina..”ayuu yidhi.

Taliyaha Ciidammada Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Waxaanu nahay Ummad uu Dadku la noolaan karo, uu dhex gali karo, uu la ceeshi karo, arrintaana Taariikh ahaan ayaanu u leenahay, inkasta oo aanu kala tagnay (Soomaaliya), haddana Annagu waanu jecel nahay Shacabka reer Soomaaliya, laakiin Dawladda ayuun baanu is haynaa.”

Taliye Nuux Ismaaciil Taani wuxuu sheegay oo kale “Waxa keenay (Mastaafurinta) halkan dil badan baa ka dhacay, Rag badan oo Hal-door ah ayaa lagu laayey oo illaa 86 Qof ah oo Rag iyo Dumarba leh, si markaa aanu Amniga Waddankayaga u sugno Annaga oo aan Cidna waxba yeelin, Xushmadna u hayna Dadka reer Baydhabo iyo Dadka kale ee Ajaanibka ahba si sharaf leh inay uga baxaan ayaanu Go’aan ku gaadhnay, Cidna waxba maanaan yeelin, Cidna maanaan Hagar-daamaynin, laakiin si sharaf leh ayaanu iskaga saarnay si aanu Annagu amnigayaga u xasilino, Dadka hadlayaana awalba Nabadgalyo ayay ku noolaayeen, Hargeysa ayay Nabadgalyo ku joogaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Ciddii Nabadgalyo Waddankayaga ku joogaysa umaanaan diidin, laakiin Ciddii Marti Edeb xun noqoto, waanu saaraynaa Maanta iyo Beriba..”

Ugu dambayn, Taliyaha Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo Shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa Shacabka reer Sool u soo jeediyey inay Hay’adaha amniga kala shaqeeyaan Sugidda Nabadgalyada “Waxaanu soconay Amniga Gobolka, in Nabad lagu noolaado oo la ogaado dilalkan meesha ay salka ku hayaan oo la daba-galo, kaas ayuu waajibkayagu ahaa iyo la soo afjaro oo waxan waxa wada la daba-galo ayaanu iskugu nimid waxayagaas oo Madax ahi. Waxaanu leenahay Dadweynaha inaad nala shaqaysaan baa fiican, Waayo?  Nabadda innagaa u baahan, Meel aan Maamul lahayna meel maaha, markaa waxaan leeyahay Amaanka ha laga shaqeeyo..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office