SOMALILAND HALKAY KU SOCOTAA?

0
253

Dr. Mustafa Kaydsane
46 qof oo afka duubtay, oo la yidhi waxay doorteen 11 qof oo kamid ah dillaaliinta midnimo-
beenaadka Somalia ee Xamar ku nool.
Waa xalqadka kale oo kamid ah taxanihii been-abuurka ee ka soo bilaabmay Djibouti 2000, oo looga
gol leeyahay in lagu nasakho xaqiiqanimadda jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxay taasi markhaati dhab ah u tahay in aan la doonaynin in dib loo midoobo abid. Waayo haddii ay
midnimadoonimada reer Somalia dhabtahay ugu yaraan waxay ixtiraami lahaayeen doonista dadka
reer Somaliland(1991, 1993, 2001), oo kolba koox dillaalin ah kamay dhigteen magac u yaal
golayaashooda u methela. Sow ma aragtaan in midnima beenaadkoodu uu marba marka ka dambaysa
ay ku sii fogaynayaan ragaadka. Xaqiiq halkaa mataalo lexejeclo dib loogu walaaloobi karayaa.
Siyaasiyiinta( dhamaan) reer Somalia waxay heshiis ku yihiin laba qodob;
1. In la dafiro oo aan la ixtiraamin isu imaatinkii labada jamhuuriyadood ee taariikhiga ahaa(01. July.
1960).
2. In aan si dhab ah loo wada hadlin; si loo soo gebagabeeyo oo loo gaadho xal kama dambays ah,
kalatagis ama isku noqosho.
Sidaas darteed waxay rabaan in si dhab ah loo niyad jabiyo dadka reer Somaliland oo ay aakhirka, iyaga
oo habqan ah, isu soo dhiibaan kooxda markaa ka ariminaysa Villa-Somalia.
Hadda ba warwarka aan qabaa ma aha in dadka reer Somaliland ay iskood uga tanaasulaan qadiyadan
ay u soo kifaaxeen 30 kii sanno ee u dambaysay.
Warwarka jiraa waxa weeye Xukuumadda Muuse Biixi oo ka gaabisay adkaynta midnimada iyo
wadajirka( caddaalada & sinaanta) dadka reer Somaliland oo ugu dambayn dib uga soo guratay
xudduudihii Sanaag Bari, sidoo kale na wadnaha farta lagaga hayo in ay sii dayso Sool/Laascaanood si
lamid ah sidii ay u fasaxday Buuhoodle. Waayo degaanadaasi laguma sii hayn karo oo kaliya gacan
amni( malitary zone) oo ka madhan xasilin siyaasaddeed iyo horumarinta nolosha shacabka
degaanadaas.
Haddii uu xaalku sidaa ahaado awooda dawladnimo ee Somaliland way soo koobmi doontaa, waxana
si dhab ah u soo bixi doona xooggag ka soo horjeeda Somaliland oo leh qaaciido shacbi ah, xooggagaasi
na waxay dalban doonaan in dib loogu noqdo Somalia. Jimciyadda Quruumahu na waxay iyana ku
dhiiran doontaa in Somaliland cidhiidhi lagu galiyo sidii ay xoggagaasi xuquuqdooda siyaasadeed u heli
lahaa, marinku na waxa uu noqon doonaa laba uun mid; in maamulgoboleed loo sharciyeeyo
xooggagaas; ama in la qaado afti ay hoggaaminayso UN tu, taa soo aanay Somaliland talo badan ku
yeelan doonin. Labadaasi marin kii la maraaba waxu si barako la’aan ah u soo gebogabayn doonaa
jiritaankii JSL.
Xukuumadda Muuse waxay wali ku mashquulsantahay dhaleecaynta kolba filimka Xamar laga
daahfuro( sida dhaleecaynteedii James Swan, wakiilka quruumaha ee Somalia, oo shalay ka qaybgalay doorasha ku sheega Somaliland ee ka dhacday teendhada Afisyoni), ee kuma foogana sidii Somaliland
dib la isugu ururin lahaa, iyo sidii ay wax uga qaban lahayd tabashooyinka beelaha darafyada, una
saxartiri lahayd nidaamka dawladnimo oo ah mid duugoobay oo aan dib loo eegin tan iyo dawladii Mw
Cigaal. Xukuumaddani waxay ku mashquulsantahay xintan iyo ficiltan siyaasaddeed oo ku aadan
gudaha Somaliland, ficiltankaa soo durba dildilaac ku sameeyey gobolada dhexe oo xuddun u ahaa
dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland( ka soo bilow markii ay dawladnimo iyo wadijir ku hor
istaageen kala aarsi iyo dagaal sokeeye 1991, oo dhexmari kari lahaa beelihii taageersanaa SNM iyo
beelihii kale ee uu Kacaanku kala irdheeyey).
Somaliland waxay ku samatabixi kartaa oo kaliya haddii doorashada 2022 uu ajendeheeda koowaad
noqdo “dib u dawladaynta JSL”, xisbiyada tartamayaana ay doodoodu dhab ahaan farta u saarto
sababaha dib u dhaca ku keenay Somaliland ee 30 sanno gego banaan loo fadhiyo. Dadweynuhu na
waa in ay qayb ka noqdaan yagleelista wacyi cusub oo siyaasaddeed oo lagu doonayo in markale
dhidibada loo adkeeyo wadajirka iyo waxwada lahaanshaha dadka reer Somaliland( dawladnimo ku
dhisan: walaalnimo, caddaalad & sinaan). Dadweynuhu waa in ay waxku doortaan “doonista danta
dawladnimo”, waa in ay ka koraan kana talaabsadaan siyaasadii ku dhisnayd beelnimada iyo ” waa
markayagii”. Doorashadii 2021 ee golayaasha waxa abuurmay baahi isbadal oo ay dhalinyaradu
calanka u sidaan, waa sababta codadka qayrul caadiga ah loo siiyey Mooge iyo Baatuun, rajadaasi waa
la sii xoojin karaa waana suurtogal in ay dabayshaasi dhabato markale iyada oo dhamays ah
doorashada 2022, waa haddii ay tartamaan murashaxiin si dhab ah u ogsoon doonitaanka
dawladnimo ee dadweynaha isla markaana ka dhabayn kara balanqaadyadooda..