Waddani Oo Meel Adag Iska Taagay Go’aanka Xukuumaddu Ku Diidan Tahay Shirwaynaha Talo Qaran

1
1809

Picture4Hargeysa (Geeska)  – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in aan sharciyada dalku u diidayn inay qabtaan shirka ay qabanqaabadiisa ku hawlan yihiin ee xaaladda dalka lagaga hadlayo,  waxaanay si cad u sheegeen inaanay u joojinayan dhawaaqa xukuumaddu ku diidan tahay qabashada shirkaasi.

Afhayeenka xisbiga WADDANI xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sidan ku sheegay wareysi uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu carrabka ku adkeeyay in xukuumadda laga sugayo qodabbo sharci ah oo ay shirkaas ku baajin karto, isaga oo sidoo kalena sheegay inay xukuumadda ugu baaqayaan inay marti-qaadka loo fidiyay aqbasho. Waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:-

S: Af-hayeen ahaan sideed u aragtaan hadalka xukuumaddu ku sheegtay inaan asxaabta Mucaaradka ahi wax shir qaran ah qaban Karin..?

J: Dalku sharci ayuu leeyahay, xukuumaduna ma samayn karayso wax xaq iyo xaq daro la yidhaahdo oo iyaga u gaar ah, sharcigeenu meel uu ku tilmaamay xisbiyada mucaaradka ah shir ma qaban karaan ma jirto, iyaga ayaana la waydiinayaa xaggay ka keenayaan sharciyada ay ku hor istaagayaan shirkaas.

S: Xukuumaddu way caddaysay halka ay shirkaasi ka taagan tahay, haddii ay awood ciidan u adeegsato joojinta shirkaas sidee ayay idiinla muuqataa?

J: Dalku sharci iyo nidaam ayuu ku dhisan yahay oo maaha fawdo oo meesha xoog xoog la isku sheegan maayo, askar iyo muquunin ma jirto, haddii arintasi timaadana waa mid weji kale galaysa, laakiin sharciyada marka lagu wada hadlayo nidaamka dalka u yaalaa uma diidayo xisbiyada mucaaradka ah inay qaban karaan kulamo dood cilmiyeedyo ah oo horumarka Somaliland wanaajinteeda iyo toosinteeda lagaga doodaayo.  Annagu sharciga dalka u yaala ma dhaafayno, isaga ayaanu ku soconaynaa, wixii uu naga reebayna waanu ka reebanahay oo marka horeba iskuma  dayeyno, laakiin wixii  sharcigu noo fasaxay xukuumaddu hadii ay awood ciidan ku hor istaagayso arintaasi weji kale ayay yeelanaysaa, wado kale oo ay isku hor istaagaysaa ma jirto, waanu wadaynaa una joojin mayno.

S: Gudoomiyaha Guurtida iyo wasiirka arimaha guduhuba in aanu shirkaasi qabsoomayn ayay isku raaceen, side ayuu hadalkoodu idiinku muuqdaa..?

J: Waxaan u aragnaa inay labaduba aragtidooda shaqsiga ah ay ku hadleen ee aanay sifo sharci midkoodna ku hadlin, hadday si sharci ah u hadlayaana waxay ahayd inay adeegsadaan qodabbo dastuuri ah ama kuwo xeerarka dalka u yaala ah oo shirkaas mabnuucaya, markaas doonistooda iyo mabaadiida dalka lagu maamulayaa way kala duwan yihiin, hadday doonistoodu tahay in aan xisbiyada  mucaaradka ah shir qaban karin, laakiin mabaadiida dalku ay ogashahay, noqon mayso doonistooda ee sida sharciga dalka u yaalaa dhigayo ayay u dhacaysaa, waxay jecelyihiina wax soconaya maaha.

S: Maxaad xukuumadda ugu baaqaysaan markaynu arinkan ka hadlayno?

J: Shirkan waxaanu ugu talo galnay in cidda koowaad ee lagu soo casuumayo ee ka qaybqaadanaysaa inay xukuumadda ahaato, oo Madaxweynaha ayaa loogu horaysiinayaa oo golahiisa wasiirada ayaanu leenahay ka soo qaybgala,  gogashuna way u fidsantahay. markaas talada qayb ayay ku leeyahiin inay iska dhigaan in ujeedo laga leeyahayna maaha, waana inay shirkaas ka soo qayb-galaan oo ay aqbalaan casuumadda xisbiyada mucaaradka ah oo ay yimaadaan doodoodana ka dhiibtaan, laakiin maaha inay u arkaan wax iyaga lagu duminayo ama dalka lagu baab’biinaayo, waa inay la shaqeeyaan xisbiyada mucaaradka ah oo ku hadlaya afka shacabka koone ilaa koone Somaliland ku kala daadsan”

Comments are closed.