Wada Hadalladii Somaliland Iyo Somalia Oo Aan Ballantoodii Ku Furmin Iyo Turkiga Oo Mar Kale Ku Celiyey In Wada Xaajoodkan Lagu Doonayo Midnimo

0
506

Picture6Hargeysa (Geeska)- Waxaa jimcihii shalay ku beegan ballantii hore ay xukuumadda Somaliland u shaacisay in uu dib u furmi doono wareeg kale oo ah wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu dalka Turkigu gogosha u fidiyey, laakiin ma’ay bilaaban, mana muuqdo saansaan laga dheehan karo in maalmaha yar ee foodda innagu soo haya ay furmi doonaan shirkaasi.

Wasiirka ganacshiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo 3dii bishii hore ee Oktoobar la hadlayey talefishanka qaranka ee Somaliland ayaa sheegay in wada hadalladii labada dal ee ka socday dalka Turkigu dib u bilaaban doonaan 8 bisha Noofambar oo ku beegnayd maalintii shalay ee jimcaha ahayd, “Waxaanu isla qaadanay in wadahadalladu halkoodii ka sii socdaan, labada geesoodna waxay raali ku yihiin in wejiga kale la qabto 8-da bisha 11aad (Noofambar) ee soo socota” Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar. Afar maalmood kadib hadalkaa wasiirka oo ahayd 7dii isla bishaasna madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ardaaga uu ku leeyahay bar-kulanka bulshada ee Twitter-ka ku sheegay ereyo kooban oo uu ku caddaynayo in ay Somaliland diyaar u tahay wada hadallada Somaliland iyo Turkiga ee furmaya.

Si kastaba ha ahaato ee muddadii ka dambaysay wada hadalladii u dambeeyey ee uu ka soo baxay heshiiska aan weli fulin ee maamulidda hawada, waxaa dhinaca Soomaaliya ka imanayey hadallo iyo ficillo badan oo muujinaya in aanay diyaar u ahayn in ay fuliso qodobkaas, si guudna loo arkayey in ay caqabad ku noqon karaan wada hadallo mustaqbalka sii socda, dad badan oo reer Somaliland ah ayaana u arkayey in qodobkaas oo ay Soomaaliya fulin weydaa uu astaan u yahay in aan heshiis dambe fulintiisa lagu aamini karin.

Illaa hadda xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo dalka gogosha fidideye ee Turkey kama ay hadal dib u dhaca iyo xaalka uu ku dambayn doonaan wada hadallada baaday midkoodna. Laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Axmed Daa’uud Oglo arbacadii toddobaadkii ina dhaafay ee 6dii Noofambar  khudbad ka jeediyey kulan lagu casuumay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Norway Borge Brende oo ka dhacay Ankara, ayaa sheegay in waxyaabaha ay iska kaashanayaan dalkiisa iyo Norway ay ka mid tahay wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiir Oglo waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay imikaba ku wada shaqeeyaan jid ay jeexeen wada hadallada Turkiga ay ku yeesheen labada dhinac, isaga oo sii caddaynanaya wada hadalladaas iyo midhaha laga rabana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Bishii Saddexaad ee sannadkan, waxaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah magaalada Ankara isugu yimi madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, waxa aanay bilaabeen in ay ku wada shaqeeyaan jidka Ankara ee dib loogu midaynayo labada dal” Sida lagu baahiyey shabakadda wararka dalka Turkiga ee rasmiga ah oo lagu magacaabo Anadolu Agency.

Hadallada uu wasiir Oglo ka jeediyey kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Norway ayaa laga dhadhansanayaa ujeedada ugu muhiimsan ee uu dalka Turkigu ka leeyahay wada xaajoodkani in uu yahay in Qaramada Midoobey u aqoonsato xarunta nabadaynta iyo dib u heshiisiinta dunida, laguna sharfo xarun qaramada midoobey leedahay oo arrintan ka shaqaysa, xafiiskeeda dhexena dalka Turkiga laga dhigo, tan labaadna waxa ay tahay in dalka Turkigu ka shaqaynayo sidii uu dib ugu midayn lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore u sheegay in Turkigu uu xulafo la yahay dalka Somaliland, waxa aanay xukuumaddiisu marar badan ku celcelisay niyad-samaanta ay ka qabto dalkaas iyo wada hadallada uu wado, laakiin tan iyo bilowgiiba waxaa jiray dhawaaqyo isa soo tarayey oo ay siyaasiyiinta mucaaradka iyo aqoonyahan kale oo badani kaga digayeen guud ahaan wada xaajoodka xilligan lala gelayo Soomaaliya iyo gaar ahaan dalka Turkiga oo aan laga filan karin in uu dhex-dhexaad ka noqdo qadiyadda madaxbannaanida somaliland, waxaa iyaguna jiray dad badan oo dareen taban ka muujiyey sida weyn ee ay Somaliland ugu dhowaatay dalka Turkiga oo uu xilfiltan dhinaca saamaynta diblumaasiyadda ahi ka dhexeeyo dalka Ingiriiska oo ay Somaliland ku tirsato saaxiibbadeeda waweyn iyo guud ahaanba dunida reer galbeedka.

Marka la eego qaabka uu mar kasta Turkigu uga hadlo wada hadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya oo iyaduna ugu siddiiqdo waxa ay marag u noqon kartaa doodda siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland qaarkood soo jeediyaan ee ah in dalal badan oo dunida ahi Somaliland ka qaateen faham ah in ay ka noqotay ama ku jirto jidkii ay kaga noqonaysay madax bannaanida, wada hadallada hadda socdaana yihiin kuwo ku dhammaanaya midnimo labada dal isugu yimaaddaan dowlad keliya.