WADDANI Oo Kulmiye Iyo UCID Ku Eedeeyey In Ay Majara-Habaabinayaan Bulshada, Kana Hadlay Saami Qaybsiga Iyo Masiirka Komishanka Doorashooyinka

0
749

Hargeysa (Geeska)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay sifo sharci darro ah ugu wada socdaan arrimaha doorashada, sharci darrana ku tilmaamay in laba xisbi oo keliyi doorasho galaan. Afhayeenka oo arrimahaas ka hadlaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye, riwaayad aan ka soconayn ayey dadka u dhigayaan. UCID iyo Kulmiye waa laba Xisbi oo caddaalad daro iyo sharci daro isku wata inagoo ah dal Dimuqraadiya, in haddana waxaan inaga soconaynin  isku dayno inaynu is marsiinaa, waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, wax soconaya maaha” Isaga oo intaas ku sii daray in arrimaha socdaa ay yihiin masraxiyad ay xukuumadda iyo Xisbigeedu ku qarinayaan fashilaadda kaga timid qabashada doorashooyinka Barlamaanka iyo Deegaanka.

Afhayeenka xisbiga WADDANI mudane Barkhad Jaamac Batuun oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika,  ayaa sheegay in Xukuumaddu ku fashilantay inay dalka Doorasho ka qabato, iyo in aanay waxba iska beddelin go’aankii, uu hore xisbiga WADDANI uga qaatay Komishanka doorashooyinka. Taas oo ah in ay diyaar u yihiin in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo, balse ay marka hore tahay in la beddelo komishanka doorashooyinka ee hadda, oo uu sheegay in aanu xisbigoodu marnaba raalli ka noqon doonin sii shaqayntooda. “Waxaa kale oo aanu rabnaa inay Doorashada inoo qabtaan Komishan daacad ah, oo xilkooda iyo waajibaadkooda si daacadnimo ku dheehan tahay u guta, oo inoo qabta Doorashooyin xor iyo xalaal ah, laguna wada kalsoon yahay” ayaa uu yidhi Afhayeenka xisbiga WADDANI. Isaga oo intaas ku daray, “.. Waxba yaan lagu meersayn Xisbiga Waddani ayaa Doorasho diidan. Midda kale, Komishankan leh diiwaangelin codbixiye ayaanu qabanaynaa waxaanu leenahay wakhtigii uu idinka dhacay ee meesha iskaga taga”.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI waxa uu mar kale ku celiyey in xisbigoodu doonayo in wax laga beddelo qaabkii hore ay tiro ahaan ku iman jireen Komishanka doorashooyinku oo ahaa in labada xisbi mucaarad mid kastaa xubin keensado, guurtidu laba xubnood keento, madaxweynuhuna saddex xubnood. Isaga oo sheegay in WADDANI uu doonayo in komishanka dambe uu noqdo mid tiradiisa ay si siman u qaybsadaan saddexda xisbi ee tartamayaa.

Ugu dambayntii afhayeenka xisbiga WADDANI waxa uu ka hadlay arrimaha saami-qaybsiga kuraasta wakiillada ee goballada dalka, isaga oo sheegay in xisbiga WADDANI uu doonayo in saami-qaybsi sax ah la helo. Laakiin xukuumadda iyo xisbigooda ay tahay cidda marka hore lahayd saami-qaysbi sax ah ha la helo, imikana diiddan. Sida uu hadalka u dhigay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here