Waddani Oo Ka Hadlay Kulamadii Ay La Yeesheen Safiirada Yurub

0
825

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay todobadii safiir ee dalka yimid, waxaanu tilmaamay inuu Caalamka jecel yahay inay Doorashooyinku qabsoomaan, balse Xukuumadda taladda dalka haysaa aanay rabin inay Doorashooyinku dhacaan, waxaanu xusay inay meel kaga dhacday Dimuqraadiyadii iyo hanaanka dawladnimo ee loo baahna inay dalka iy odadkaba ku hagto.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay musuq-maasuqa iyo dacwada Jabuuti ee ka dhanka ah Ganacsade Axmed Geelle Arab,waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay Safiirada  dalka yimid iyo Doorashada “Caalamka iyo Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinku wey jecel yihiin inay Doorashooyinku dalka ka dhacaan, Xisbigga Waddani-na uu jecel yahay inay Doorashooyinku dhacaan, guud ahaan Shacabka reer Somaliland wey jecel yihiin Doorashooyinku inay dhacaan, laakiin Xukuumadda ayaan daacad ka ahayn qabsoomida Doorashooyinka, Dimuqraadiyadiina meel bay kaga dhacday, Caalamkana waxay tusaaysaa weji kale, oo waxay iskaga dhigaysaa inay Doorashada iyadu rabto, laakiin xaqiiqada ayaa ah inay Xukuumaddani sinaba u rabin Doorashooyin dalka ka hirgala, taasna waxay caddayn u ah sida ay ilaa hadda ugu dhegan tahay Komishankan oo aanu anagu Xisbi Waddani ahaan aanu kalsoonidii kala noqonay, Komishankan oo la bedelo mooye anagu Doorasho diyaar uma nihiin, Xukuumadduna wey isku sii adkaynaysaa, markaas halkaas waxaa ka cad in aanay Doorashooyin dalka ka dhaca iyo nidaam inoo hagaaga aanay Xukuumaddani rabin”.

Mar uu ka hadlaayey abaaraha iyo biyo yaraanta ayaa yidhi “Xukuumaddani ma leh dalka, ee dadka muwaadiniinta ah ayaa dalka leh,waxaynu ogeyn in bilihii ugu dambeeyey ay biyo yaraan baahsani dalka ka jirtay, sidii loo baahna iyo gurmadkii loo baahnaa ee loogu tagalay in dadka la gaadhsiiyo, sidii la rabay umay gaadhsiin, ee Xukuumadda baahidii dadweynaha iyo biyo la’aanta haysa,waxa kala weynaatay inay hawlo kale oo ay ku mashquusho, daacadna kama ah la dagalanka musuqa, waxay ka qabanaysana ma jirto”.

Mar uu ka hadlaayey Ganacsada Axmed Geelle Arab iyo dacwada Jabuuti ayaa yidhi “Ganacsade Axmed Geelle Arab, waa nin muwaadin ah, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxaynu ogeyn inta malyan ee uu biyo balaadhinta Hargeysa iyo Burcaba uu u huray, waxaynu ka war qabnaa tirada muwaadiniinta ee u shaqeeysa, kolay timirba laf baa ku jirtaa ee isagoo intaas oo hantiya laga xayiray, oo hantidiisii loo baahna inay Xukuumaddu u doonto, maaha in iyada loo soo maro, oo la yidhaahdo gacanta noo soo galiya, laakiin seedinimo, yaradnimo iyo abaal-gud Axmed Geelle Arab lagu dhiibi karaa ma jirto, ee isaga ayaaba hantidiisi iyo xaqiisaba ka maqan yahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here