Nuxurka Farriinta Culus Ee Ay 7 Safiir Oo Reer Yurub Ahi Soo Gaadhsiiyeen Madaxweyne Biixi

0
1034

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay qaabilay 7 safiir oo ka kala socda Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, Uk iyo Safiirka Midawga Yurub.

Weftigan oo siday farriin muhiim ah oo ku saabsan doorashada golaha wakiilada ee Somaliland oo markii lixaad ay muuqato inay dib u dhacayso, ayaa markii uu kulanku dhammaaday waxa saxaafadda la hadashay Ambassador Mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark waxaanay soo bandhigtay farriinta ay Madaxweynaha soo gaadhsiyeen iyo qodobadii ay ka wada hadleen, waxaanay tidhi  “Waxaannu la yeelanay wada hadal midho dhalay oo xiiso badan madaxwaynaha iyo dhawr wasiiro ah. Waxaannu halkan nimid annaga oo ah qaar ka mid ah asxaabta ugu dhow Somaliland. Waxaanu walaac ka muujinay xaaladda banii’adanimo ee Somaliland ee ay sababtay abaartu. Waxaanu ka wada hadalay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo deriskeeda. Waxaannu aad ugu faraxsanahay inaanu ka maqalno madaxwaynaha ka go’naanshaha adag ee ay ka go’an tahay inuu la yeesho Somalia wada hadal wanaagsan oo ku saabsan arrimaha ka dhexeeya labada dhinac. Waxaannu sidoo kale fursad u helnay inaanu ka wada hadalno doorashooyinka soo socda ee Somaliland. Waxaanu u nahay taageero wayn geedi socodka dimoqraadiyadeed ee halkan ka socda.

Waxaanu kala hadalnay madaxwaynaha rajada aanu ka qabno in la helo isku tanaasul ay isku sameeyaan jilayasha siyaasadeed oo keenta in doorashooyinku dhacaan sanadkan. “

Iyadoo safiiradu hadalkeeda sii wadata waxay tidhi “Waxaannu carabka ku adkaynay inay qayb muhiim ah ka tahay sumcadda Somaliland ay ku leedahay bulshada caalamka inay sii wado guulihii ay hore u gaadhay oo ay guulo dimoqraadiyadeed oo kale gaadho. Si taas loo helona waxa qayb laxaad leh ka ah in doorashooyinka xiligooda lagu qabto. Sidaasdarteed, waxaannu si cad u sheegnay inaanu filayno in dhamaan dhinacyada Somaliland ay wada fadhiistaan oo ay keenaan isku tanaasul iyo inay helaan wado ay ku qabtaan doorashooyin sanadkan. Waxaannu taas u aragnaa inay qayb muhiim ah ka tahay inay jirto xaalad siyaasadeed oo firfircoon oo qorshayaal horumarineed oo culus lagu dejin karo, laguna fulin karo oo faa’iido u ah muwaadiniinta dalkan.”

Waxay danjire Mette hadalkeeda ku soo gunaanaday farriintan “Sidaasdarteed halkan waxaannu u joognaa inaanu idin la shaqayno iyo dabcan inaanu ku dhisno taas xal siyaasadeed oo ay sameeyeen jilayaasha reer Somaliland, xalkaas oo ay taageeraan si aanu dabadeed anaguna u nimaadno oo u taageerno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here