Wasiirka Arimaha Gudaha Djibouti Oo La Sheegay Inuu Baajiyay Socdaal Uu Shalay Ku Iman Lahaa Hargeysa

0
873

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti Xasan Cumar Burhaan iyo wafti uu hoggaaminayay, ayaa lagu waramayaa in ay ka baaqdeen socdaal uu shalay ku iman lahaa Somaliland kadib markii ay soo shaac baxeen sida ay uga xun yihiin dadka reer Somaliland in ganacsade Axmed Cismaan Geele uu dalka Jabuuti kaga daba yimaado Somaliland.

 

Tilifishanka Eryal ayaa sheegay inuu  xog buuxda ku helay in socdaalkaas dib loo dhigay kadib markii ay soo baxeen dareenada saska ah  ee dadka reer Somaliland ay ka bixiyeen in Jabuuti ay Somaliland gudaheeda awood ku saarto ganacsadahan Geele.

Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Burhaan ayaa dhawaan dalkaas ku martiqaaday dhigiisa Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaana maalimihii ugu danbeeyay loo dhag taagayay in wasiirka arimaha gudaha Jabuuti uu yimaado Somaliland.

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada socdaalka Wasiirka daakhiliga Djibouti inuu la xidhiidhay qaddiyadda Axmed Cismaan Geele iyo in socdaalkiisu ahaa mid kale.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka baaqday  ee Wasiirka daakhiliga Djibouti ee uu Telefishanka Eryal baahiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here